Thursday, July 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo Gaadiid iyo agab ciidan kala wareegtay Midowga Yurub

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo Gaadiid iyo agab ciidan kala wareegtay Midowga Yurub
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadda wareejinta gaadiidka, agabka ciidamada iyo tasiilaadka caafimaadka oo lagu qabtay Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Dhego badan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Ku-xigeenka Agaasimaha Midowga Yurub ee Qaaradda Afrika, Ergayga Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, saraakiil ka socotay xafiiska UNOPS iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaabdhigga XFS Cumar Cali Cabdi oo Midowga Yurub kala wareegay agabka ayaa ka mahadceliyey taageerada Midowga Yurub isagoo xusay inay tahay talaabo muhiim ah.

Related posts

Ku-simaha Taliyaha Ciidanka XDS oo la kulmay Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee Afrika

Ku-simaha Taliyaha Ciidanka XDS oo la kulmay Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee Afrika

July 29, 2026
Tababarka wajigii labaad ee Kobcinta Awoodda Maaliyadda Cimilada oo la soo gabagabeeyay

Tababarka wajigii labaad ee Kobcinta Awoodda Maaliyadda Cimilada oo la soo gabagabeeyay

July 29, 2026

Shir jaraa’id oo ay labada mas’uul si wadajir ah u wada qabteen ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Mathieu Briens, Agaasime ku-xigeenka Midowga Yurub ee Qaaradda Afrika Mathieu Breins kaasi oo sheegay inuu ku faraxsanahay inuu maanta la joogo Wasiiru-dowlaha difaaca Soomaaliya iyo dhammaan bahda Midowga Yurub si ay ugu wareejiyaan gaadiid iyo agab militari oo muhiim u ah Soomaaliya,.

“Qalabkani wuxuu ka mid yahay taageerada weyn ee Midowga Yurub uu siinayay Soomaaliya sanadihii la soo dhaafay oo ay ka mid tahay tababarka Ciidamada aan siinay toban kun oo askari laga soo billaabo 2010-kii waxaana ay saldhig u tahay si aan u garab istaagno Soomaaliya si ay u gaarto hamigeeda”,

Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga XFS Cumar Cali Cabdi oo ka mahadceliyay taageerada Midowga Yurub gaar ahaan gaadiidka iyo agabka lagu wareejiyay ayaa sheegay inu Midowga Yurub uu yahay saaxiib weyn oo ka mid ah taageerayaasha beesha caalamka.

Ugu dambeyntii Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo ay wehliyaan saraakiisha Midowga Yurub ayaa kormeeray fasalada ay ka socdaan koorsooyinka tababarada kala duwan ee saraakiisha CXD ay ku qaataan dugsiga Tababarka Jeneraal Dhego badan.

Dugsiga tababarka Jeneraal Dhaga badan ayaa waxaa lagu soo kordhiyay dhismeyaal iyo fasalo cusub oo ay dhiseen Midowga Yurub si loogu tababaro ciidamada Qaranka Soomaaliya.

Previous Post

Ku-simaha Madaxweynaha oo qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya

Next Post

Ku-simaha Madaxweynaha oo kormeeray xarunta diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka

Next Post
Ku-simaha Madaxweynaha oo kormeeray xarunta diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka

Ku-simaha Madaxweynaha oo kormeeray xarunta diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka

Ku-simaha Taliyaha Ciidanka XDS oo la kulmay Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee Afrika

Ku-simaha Taliyaha Ciidanka XDS oo la kulmay Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee Afrika

July 29, 2026
0

Ku-simaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ahna Taliyaha Ciidanka Dhulka, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta magaalada Muqdisho kula...

Tababarka wajigii labaad ee Kobcinta Awoodda Maaliyadda Cimilada oo la soo gabagabeeyay

Tababarka wajigii labaad ee Kobcinta Awoodda Maaliyadda Cimilada oo la soo gabagabeeyay

July 29, 2026
0

Sanduuqa Qaranka ee Cimilada ee Wasaaradda Maaliyadda, oo kaashanaya Ururka Bangiyada Soomaaliyeed ayaa soo gabagabeeyay maanta tababbarka wajigii labaad ee...

Danjire Hodan oo waraaqaha aqoonsiga Danjirenimo u gudbisay Boqorka Japan ‎

Danjire Hodan oo waraaqaha aqoonsiga Danjirenimo u gudbisay Boqorka Japan ‎

July 29, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, ahna Danjiraha aan degganayn ee Japan, Dr. Hodan Cusmaan Cabdi, ayaa...

Wasiir Fiqi” Waxaa jira mas’uuliyiin magac dilka dalka, Dowlado shisheeye lacago uga soo qaatay”,

Dowladda oo faahfaahin ka bixisay duqeymo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Khawaariijta

July 29, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Gaalkacyo, ayaa shaaciyay in howlgal duqeyn ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In