Thursday, October 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo Gaadiid iyo agab ciidan kala wareegtay Midowga Yurub

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo Gaadiid iyo agab ciidan kala wareegtay Midowga Yurub
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadda wareejinta gaadiidka, agabka ciidamada iyo tasiilaadka caafimaadka oo lagu qabtay Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Dhego badan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Ku-xigeenka Agaasimaha Midowga Yurub ee Qaaradda Afrika, Ergayga Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, saraakiil ka socotay xafiiska UNOPS iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaabdhigga XFS Cumar Cali Cabdi oo Midowga Yurub kala wareegay agabka ayaa ka mahadceliyey taageerada Midowga Yurub isagoo xusay inay tahay talaabo muhiim ah.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026

Shir jaraa’id oo ay labada mas’uul si wadajir ah u wada qabteen ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Mathieu Briens, Agaasime ku-xigeenka Midowga Yurub ee Qaaradda Afrika Mathieu Breins kaasi oo sheegay inuu ku faraxsanahay inuu maanta la joogo Wasiiru-dowlaha difaaca Soomaaliya iyo dhammaan bahda Midowga Yurub si ay ugu wareejiyaan gaadiid iyo agab militari oo muhiim u ah Soomaaliya,.

“Qalabkani wuxuu ka mid yahay taageerada weyn ee Midowga Yurub uu siinayay Soomaaliya sanadihii la soo dhaafay oo ay ka mid tahay tababarka Ciidamada aan siinay toban kun oo askari laga soo billaabo 2010-kii waxaana ay saldhig u tahay si aan u garab istaagno Soomaaliya si ay u gaarto hamigeeda”,

Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga XFS Cumar Cali Cabdi oo ka mahadceliyay taageerada Midowga Yurub gaar ahaan gaadiidka iyo agabka lagu wareejiyay ayaa sheegay inu Midowga Yurub uu yahay saaxiib weyn oo ka mid ah taageerayaasha beesha caalamka.

Ugu dambeyntii Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo ay wehliyaan saraakiisha Midowga Yurub ayaa kormeeray fasalada ay ka socdaan koorsooyinka tababarada kala duwan ee saraakiisha CXD ay ku qaataan dugsiga Tababarka Jeneraal Dhego badan.

Dugsiga tababarka Jeneraal Dhaga badan ayaa waxaa lagu soo kordhiyay dhismeyaal iyo fasalo cusub oo ay dhiseen Midowga Yurub si loogu tababaro ciidamada Qaranka Soomaaliya.











Previous Post

Ku-simaha Madaxweynaha oo qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya

Next Post

Ku-simaha Madaxweynaha oo kormeeray xarunta diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka

Next Post
Ku-simaha Madaxweynaha oo kormeeray xarunta diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka

Ku-simaha Madaxweynaha oo kormeeray xarunta diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In