Friday, December 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo hoggaaminaya Wafdiga Soomaaliya ee Shirweynaha COP29 ee Baku

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo hoggaaminaya Wafdiga Soomaaliya ee Shirweynaha COP29 ee Baku
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa hoggaaminaya wafdiga heer sare ah ee Soomaaliya uga qayb galaya Shirweynaha Caalamiga ah ee Isbeddelka Cimilada, ee COP29, kaas oo ka qabsoomaya magaalada Baku ee dalka Azerbaijan.

Shirkan muhiimka ah ayaa waxa uu diiradda saarayaa dadaallada caalamiga ah ee lagu wajahayo Isbeddelka cimilada, iyadoo Soomaaliya ay si firfircoon u mataleyso danaha iyo dedaalada ay ugu jirto la tacaalidda saameynta daran ee Isbeddelka cimilada.

Related posts

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

December 12, 2025
Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida

December 12, 2025

Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa shirkan uga qayb galaya mowduucyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin: adkeynta iskaashiga caalamiga ah ee ku saabsan la tacaalidda Isbeddelka cimilada, taageerada dhaqaalaha cagaaran lagu taageero dalalka soo koraya iyo tamarta nadiifka ah, iyo kordhinta taageerada dhinaca bini’aadamnimada iyo xaaladaha deg-degga ah ee ka dhasha masiibooyinka dabiiciga ah ee saameeya Soomaaliya iyo dalalka gobolka.

Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka ay sida weyn u saamaysay isbedelka cimiladu, waxaana ay soo bandhigeysaa qorsheyaal cad oo ka turjumaya dadaallada ay Xukuumadda DanQaran ugu jirto wax ka qabashada saameyntaas.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku dadaaleysaa sidii loo heli lahaa xal waara oo lagu yareyn karo saameynta cimilada, lana horumarin karo awoodda bulshada Soomaaliyeed ay ugu diyaar garoobi karaan xaaladaha cimilada ee sii adkaanaya.

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare iyo wafdi uu hoggaaminayo oo soo gaaray Nairobi

Next Post

Ku dhawaad 10 ka tirsan Khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidanka XDS

Next Post
Ku dhawaad 10 ka tirsan Khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidanka XDS

Ku dhawaad 10 ka tirsan Khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidanka XDS

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

December 12, 2025
0

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameerico) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socdayu Dalka Suudaan oo...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida

December 12, 2025
0

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warb aahinta qaranka ayaa ka warbixiyay xeerka...

Guddiga Doorashooyinka oo ku dhawaaqay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka

Guddiga Doorashooyinka oo ku dhawaaqay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka

December 12, 2025
0

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah, awoodaha uu siinayo dastuurka JFS ,sharciga doorashooyinka qaranka,...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

December 11, 2025
0

Tripoli, 11 December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa ka qeybgaley...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In