Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare iyo wafdi uu hoggaaminayo oo soo gaaray Nairobi

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 11, 2024
in Wararka
0
Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare iyo wafdi uu hoggaaminayo oo soo gaaray Nairobi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdiga la docda oo uu qeyb ka yahay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta ku soo dhaweeyay diblomaasiyiin uu hoggaaminayay Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BJFS ayaa Nairobi uga qeybgalaya shirka 18-aad ee guddoomiyeyaasha baarlamaanada dalalka ku bahoobay Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (𝐄𝐀𝐂) oo 13ka bishan furmaya.

Kulanka oo si heersare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa guddoominaysa Marwa Dr. Tulia Ackson oo ah Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Tanzania.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha muhiimka ah ee isu soo dhawaynaya waddamadeena ku dhaqan Bariga Afrika.

Madasha Af-hayeennada EAC waxaa uu u taagan yahay sidii loo mideyn lahaa codka shacabka ku dhaqan gayigan iyada oo loo marayo qaabka sharci dajinta, kormeer iyo matalaad shacabka.

Madashaan ayaa sidoo kale talo bixin siinaysa shir madaxeedka madaxda Bariga Afrika, kuwaas oo lagu horumarinayo arrimaha ugu muhiimsan ee ka taagan gobolka Bariga Afrika.

Kulankan oo dhacaya waqtigii ku haboonaa waxaa la filayaa inuu mideeyo aragtida iyo codka wadamada ku xeendaaban Bariga Afrika, isaga oo gobolkeenu ku jihayn doona waddadii is dhex galka iyo kobaca ee dadka ku dhaqan Bariga Afrika.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh “Xalka Nabadda Bariga Dhexe waxa uu ku xiranyahay Dhismaha dowlad Falastiini ah”

Next Post

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo hoggaaminaya Wafdiga Soomaaliya ee Shirweynaha COP29 ee Baku

Next Post
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo hoggaaminaya Wafdiga Soomaaliya ee Shirweynaha COP29 ee Baku

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo hoggaaminaya Wafdiga Soomaaliya ee Shirweynaha COP29 ee Baku

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In