Tuesday, July 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka tacsiyeeyay geerida Madaxweyne Siilaanyo

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
2 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka tacsiyeeyay geerida Madaxweyne Siilaanyo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ka tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, oo caawa ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay Marxuum Siilaanyo inuu ahaa siyaasi kaalin weyn ka soo qaatay nidaamka dowladnimada Soomaaliyeed, isagoo soo qabtay xilal kala duwan sida Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Wasaaradda Ganacsiga, iyo Guddoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha Qaranka ee Soomaaliyeed.

Related posts

Ururka JSP oo ololaha doorashada ka sameeyay Degmada Balanballe

Ururka JSP oo ololaha doorashada ka sameeyay Degmada Balanballe

July 28, 2026
Soomaaliya  iyo Kenya oo yeeshay kulan doceed laba Geesood ah intii lagu guda jiray shirka Golaha Fulinta Midowga Afrika

Soomaaliya  iyo Kenya oo yeeshay kulan doceed laba Geesood ah intii lagu guda jiray shirka Golaha Fulinta Midowga Afrika

July 28, 2026

“Madaxweyne Siilaanyo wuxuu door muhiim ah ka qaatay maamul dhiska, nabadeynta, iyo dimuquraadiyeynta Gobollada Waqooyi ee Somaliland, burburkii kadib, isaga oo kaalin hormuud ah ku lahaa billowgii wada xaajoodkii Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu Alle uga baryay marxuumka inuu Janatul Fardowsa ka waraabiyo qoyskiisa, qaraabadiisa, iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo.

Previous Post

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho

Next Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka tacsiyadeeyay geerida Madaxweyne Siilaanyo

Next Post
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka tacsiyadeeyay geerida Madaxweyne Siilaanyo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka tacsiyadeeyay geerida Madaxweyne Siilaanyo

Ururka JSP oo ololaha doorashada ka sameeyay Degmada Balanballe

Ururka JSP oo ololaha doorashada ka sameeyay Degmada Balanballe

July 28, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa maanta ololihiisa doorashada ka sameeyay degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud, iyadoo ay ka...

Soomaaliya  iyo Kenya oo yeeshay kulan doceed laba Geesood ah intii lagu guda jiray shirka Golaha Fulinta Midowga Afrika

Soomaaliya  iyo Kenya oo yeeshay kulan doceed laba Geesood ah intii lagu guda jiray shirka Golaha Fulinta Midowga Afrika

July 28, 2026
0

Addis Ababa, Itoobiya | 28 Luulyo 2026: Intii uu socday Kalfadhiga 49-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika, Wasiirka Arrimaha Dibadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qaybgaleysa Kalfadhiga 49-aad ee Golaha fulinta Midowga Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qaybgaleysa Kalfadhiga 49-aad ee Golaha fulinta Midowga Afrika

July 28, 2026
0

Addis Ababa, Itoobiya | 28 Luulyo 2026 – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Muqdisho oo uu ka furmay shir cilmiyeedka 4-aad ee Siyaasadda dhaqaalaha Dalka

Muqdisho oo uu ka furmay shir cilmiyeedka 4-aad ee Siyaasadda dhaqaalaha Dalka

July 28, 2026
0

Muqdisho – Magaalada Muqdisho waxaa goor dhow ka furmaya Shir Cilmiyeedka 4-aad ee Siyaasadda Dhaqaalaha Dalka, kaas oo uu soo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In