Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, ka dib markii uu magaalada Nayroobi uga qeyb galay shirka 18aad ee Guddomiyeyaasha Baarlamaannada Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (๐๐๐)
Guddoomiyaha oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa sheegay in ku biirista Soomaaliya ee Ururka Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ay muhiimad wayn u leedahay Ururka iyo dalkeenna, maadaama Soomaaliya ay leedahay Khayraad fara badan oo dabiici ah, dhul qani ah iyo bulsho firfirkoon oo leh hal-abuur ganacsi, karti iyo u adkaysiga xaaladaha kala duwan ee ganacsiga.
Sidoo kale, Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa sheegay in midowgan uu tusaale wanaagsan u yahay dhammaan dowladaha qaaradda Afrika inay midoobaan ayna ka wada faaโiidaystaan khayraadka dhulalkooda, iskana kaashadaan arrimaha nabadgelyada iyo horumarinta dhaqaalaha iyo bulsho ee dadyowga qaaradda Afrika.