Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay Ururka Caalamiga ah ee ๐๐ฅ๐จ๐๐๐ฅ ๐๐ซ๐๐๐ง ๐๐ซ๐จ๐ฐ๐ญ๐ก ๐๐ง๐ฌ๐ญ๐ข๐ญ๐ฎ๐ญ๐ (๐๐๐๐) oo ay noqoto dal xubin buuxa ka ah! Iskaashigan muhiimka ah wuxuu gacan ka geysan doonaa xoojinta qorshayaasheena waara ee ku saabsan horumarinta dhaqaalaha cagaaran, ilaalinta deegaanka, iyo la qabsiga saameynta isbeddelka cimilada.
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Amb. Khadija Mohamed Al-makhzoumi, oo ku matalaysay Soomaaliya heshiiskan, ayaa tilmaantay muhiimadda iskaashigan iyo inuu yahay tallaabo waxtar leh oo lagu xaqiijinayo himilooyinkeenna ku aaddan mustaqbal cagaaran.