Thursday, December 4, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo soo bandhigay qiimeyn khasaarihii ka dhashay El Niño

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo soo bandhigay qiimeyn khasaarihii ka dhashay El Niño
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa hoollka ay Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa (East African Community EAC), ku leedahay xarunta uu ka socdo shirweynaha caalamiga ah ee COP29, ka qabsoomay munaasabad ay Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka SoDMA ku soo bandhigtay daraasad qiimeeeyn ah oo lagu ogaanayay baaxadda saameeynta khasaarahii iyo waxyeelladii ka dhalatay fatahaaddii El Niño ee dalka ku habsatay xilligii Deyrta 2023kii.

Kadib markii la soo bandhigay warbixitaas, waxaa hadal jeedin muhiim ahayd munaasabadda halkaas ka jeediyay Gudoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, isagoo sheegay in ay muhiim tahay in loo tabaabusheeysto sidii dib loogu dhisi lahaa kaabayaashii dhaqaale ee ay fatahaaddu burburisay, sida buundada Baardheere, sidoo kale waxaa marti sharaftii halkaas ka hadashay ka mid ahaa Abassador Jamal oo ah Agaasimaha xarunta la qabsiga isbadalka cimilada ee urur goboleedka IGAD, waxaa kaloo halkaas ka hadlay la taliyaha Wasiirka Wasaaradda qorsheeynta Maxamed Macalin Cumar.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay Shirweynaha 6-aad ee Hoggaanka iyo Hal-Abuurka Dhallinyarada Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay Shirweynaha 6-aad ee Hoggaanka iyo Hal-Abuurka Dhallinyarada Soomaaliyeed

December 3, 2025
Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Yemen

Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Yemen

December 3, 2025

Ugu dambeeyntii, waxaa furmay dood ay ka qeybqaadanayaan dhamaan ka soo qeeybgalayaasha shirka, kuwaas oo aad ugu dheeraaday falanqeeynta ah sida ugu fudud oo ay Soomaaliya ku heli lahayd taageero dhaqaale oo loo isticmaallo sidii dib loogu dhisii lahaa kaabayaasha ay burburisay fatahaaddu.

 

 

Previous Post

Saraakiil ka tirsan hay’adda socdaalka oo tababar loogu soo gabagabeeyey Masar

Next Post

Cabdiraxmaan Cirro oo ku guuleystay doorashada Somaliland

Next Post
Cabdiraxmaan Cirro oo ku guuleystay doorashada Somaliland

Cabdiraxmaan Cirro oo ku guuleystay doorashada Somaliland

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay Shirweynaha 6-aad ee Hoggaanka iyo Hal-Abuurka Dhallinyarada Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay Shirweynaha 6-aad ee Hoggaanka iyo Hal-Abuurka Dhallinyarada Soomaaliyeed

December 3, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo Daah-furay Shirweynaha 6-aad ee Hoggaanka iyo Hal-Abuurka Dhallinyarada Soomaaliyeed,...

Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Yemen

Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Yemen

December 3, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda Yemen, Jeneraal Mohsen Maxamed Axmed Al-Daacari, ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirada siddeed dal

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirada siddeed dal

December 3, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka kaga guddoomay Warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo Safiirro...

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

December 3, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daud Aweys Jama ayaa maanta kulan miro-dhal ah kula qaatay Safiirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In