Wednesday, September 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hambalyo u diray Madaxweynaha la doortay ee Maamulka Somaliland

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 19, 2024
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo hambalyo u diray Madaxweynaha la doortay ee Maamulka Somaliland
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo si dhow ula socday doorashada dadweynaha Maamulka Soomaaliland ay codkooda ku dhiibanayeen ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha la doortay Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) iyo ku xigeenkiisa Mudane Maxamed Aw-Cali Cabdi

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyey xisbiyada kala ah; Waddani, Kaah iyo Kulmiye natiijada ay ka gaareen doorashada, waxa uuna bogaadiyey bisaylka iyo fahanka dowladnimada ee ay muujiyeen bulshada Somaliland.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Suldaan Mustafa Awseed

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Suldaan Mustafa Awseed

September 10, 2025
Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo Qaabilay Safiirka  Qatar ee Soomaaliya

Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo Qaabilay Safiirka Qatar ee Soomaaliya

September 10, 2025

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u xaqiijiyey Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cirro in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay dhammaystirka wada-xaajoodyada dib u heshiisiinta labo geesoodka ah, taas oo muhiim u ah horumarka iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u rajeeyey Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Xisbiyada la doortay in Alle uu u fududeeyo qorsheyaasha horumarinta nolasha iyo kobcinta dhaqaalaha ee bulshada deegaannada Soomaaliland ay u doorteen.

 

Previous Post

๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐˜‚ ๐—ต๐—ฎ๐—บ๐—ฏ๐—ฎ๐—น๐˜†๐—ฒ๐—ฒ๐˜†๐—ฎ๐˜† ๐— ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐˜…๐˜„๐—ฒ๐˜†๐—ป๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ฐ๐˜‚๐˜€๐˜‚๐—ฏ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐˜‚๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐—ฆ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—น๐—ฎ๐—ป๐—ฑ

Next Post

Guddoomiyaha Hayโ€™adda SoDMA oo daah-furay shir wadatashi ah

Next Post
Guddoomiyaha Hayโ€™adda SoDMA oo daah-furay shir wadatashi ah

Guddoomiyaha Hayโ€™adda SoDMA oo daah-furay shir wadatashi ah

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Suldaan Mustafa Awseed

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Suldaan Mustafa Awseed

September 10, 2025
0

Guddoomiyaha Hey'adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Suldaan Mustafa Awseed, oo ka mid...

Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo Qaabilay Safiirka  Qatar ee Soomaaliya

Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo Qaabilay Safiirka Qatar ee Soomaaliya

September 10, 2025
0

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta...

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan miro-dhal ah la yeeshay madax ka tirsan Dowladda Ingiriiska

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan miro-dhal ah la yeeshay madax ka tirsan Dowladda Ingiriiska

September 10, 2025
0

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xalay magaalada Muqdisho kulan casho-sharaf ah kula yeeshay Agaasimaha...

Madaxweynaha JFS oo kulan mira dhal ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

Madaxweynaha JFS oo kulan mira dhal ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

September 10, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-hadallo miro dhal ah kula yeeshay magaalada Addis-ababa Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In