Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga mudane Xamse Aadan Xaadow oo uu wehliyo Agaasimaha Waaxda Ururada Adduunka mudane Xasan Maxamed Cali, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Madaxa Ergada Laanqeyrta Cas (ICRC) Mudane Antoine Grand, iyo wafdi uu hogaaminayo.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta wada shaqaynta joogtada ah ee ka dhaxaysa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo ICRCda.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu faaqiday muhiimadda ay leedahay in la abuuro xiriir adag si wax looga qabto baahiyaha biniโaadantinimo ee Soomaaliya. waxaa sidoo kale diiradda lagu saaray kor u qaadista dadaallada bini’aadantinimo iyo sahminta xalal cusub si loo taageero bulshooyinka nugul.
Kulankan ayaa waxa uu ka tarjumayaa sida hagar laโaanta ah ee ay Wasaaraddu ugu heelan tahay horumarinta yoolalka Istaraatijiga ah ee Soomaaliya iyada oo wax ka qabanaysa caqabadaha baniโaadantinimo ee saameeya muwaadiniinta Soomaaliyeed, Wasaaraddu waxay sii wadeysaa kobcinta iskaashiga caalamiga ah .