Tuesday, October 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiru-dowlaha Cadaaladda oo kulan doceed la qaatay Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wasiiru-dowlaha Cadaaladda oo kulan doceed la qaatay Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Ambassador Ilyaas oo Qaahira uga qaybgalay Shirka 40-aad ee Wasiirrada Cadaaladda Carabta ayaa kulan doceed la qaatay Xoghayaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, mudane Axmed Aboul Gheit.

Ambassador Ilyaas ayaa Xoghayaha guud uga warbixiyay horumarka Soomaaliya ay ku tilaabsaneyso gaar ahaan xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, si gaar ah in baarlamaanku uu meel mariyay shuruucdii lagama maarmaanka u aheyd qabashada doorashada dadweynaha iyo guddiga doorashooyinka.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Wasiir Ilyaas ayaa bogaadiyay taageerada joogtada ah ee Jaamacadda Carabtu ay la garabtaagantahay Soomaaliya, gaar ahaan xilliyada adag, waxuuna ka codsaday in ururka jaamacadda Carabtu sii wado taageerada, Soomaaliyana gacana laga siiyo dagaalka lagula jiro khawaarijta.

Wasiiru-dowlaha Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS ayaa carabka ku adkeeyay in Soomaliya ay ka go’antahay xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta Jaamacadda Carabta, ayna ka faa’ideysto khubarada iyo kaadiriinta Carabta si loo horumariyo nidaamka bahda cadaaladda Soomaaliya, sidoo kalana lagu guuleysto dhameystirka dastuurka qabyada ah si waafaqsan halbeegyada caalamiga ah.

Xoghayaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Aboul Gheit ayaa bogaadiyay kobaca iyo horumarka ay Soomaaliya ku tilaabsaneyso, waxuuna adkeeyay iney ka go’antahay joogteynta dadaallada ay dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ku gaarayaan hadafyadooda mustaqbalka.

Ambassador Ilyaas ayaa horay kulamo ula qaatay Wasiirka Cadaaladda Masar, Mudane Adnaan Fanjari iyo Wasiirka arrimaha baaralmaanka dowladda Masar, Mahmoud Fawzi.

 

Previous Post

Danjire Jabril oo ka qeybgalay heshiis ay Nairobi ku kala saxiixdeen Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Hay’adda Maaliyadda Adduunka

Next Post

Wasiirka Amniga Gudaha oo tababar ugu soo xiray Serbia Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska

Next Post
Wasiirka Amniga Gudaha oo tababar ugu soo xiray Serbia Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska

Wasiirka Amniga Gudaha oo tababar ugu soo xiray Serbia Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In