Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjire Jabril oo ka qeybgalay heshiis ay Nairobi ku kala saxiixdeen Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Hay’adda Maaliyadda Adduunka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 28, 2024
in Wararka
0
Danjire Jabril oo ka qeybgalay heshiis ay Nairobi ku kala saxiixdeen Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Hay’adda Maaliyadda Adduunka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa maanta heshiis iskaashi ku kala saxiixday magaalada Nairobi ee dalka Kenya Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (NCA) iyo Hay’adda Maaliyadda Adduunka ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan IFC, taas oo hoostimaada Bangiga Aduunka.

Heshiiska iskaashiga kaabayaasha Broadband ee u dhexeeya labada hey’addood ayaa ah mid lagu hormarinayo isgaarsiinta Soomaaliya, iyada oo hay’adda IFC ay Soomaaliya ka taageeri doonto dhanka dhaqaalaha iyo farsamadda.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Danjire Jabril Ibrahim Cabdulle oo kulankaas ka hadlay, ayaa sheegay in Iskaashigaani uu calaamad u yahay tallaabo muhim ah oo loo qaadayo dhanka horumarinta isku xirnaanta iyo isgaarsiinta Soomaaliya.

Waxa uu intaa ku daray, “kobcinta hal-abuurka, iyo horumarinta dhaqaalaha dalka Soomaaliya ayaa ah mid u baahan in loo helo isgaarsiin casri ah oo la jaanqaadi karta caalamka”.

Internet xawaarihiisu sarreeyo oo dhawaan laga hergaliyay gudahada dalka Soomaaliya ayaa durbadiiba waxa uu ka beddelay noloshada dadka iyo tan ganacsiga, korna u qaaday qeybo kamida ganacsiga, kaas oo abuuray fursado shaqo oo cusub. Heshiiskani waa wax ka badan hal-abuur — waa himiladii Soomaaliya oo horseedka u ahaan lahaa barwaaqo iyo horumar ay Soomaaaliya gaarto.

Waxaa iska kulankaan ka hadlay Mustafa Yuusuf Sheekh oo ah Maamulaha Guud ee hay’addda Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, waxa uuna uga mahadceliyay hay’adda IFC taageerada ay la garab taagan tahay horumarka isgaarsiinta Soomaalida

 

Previous Post

𝐒h𝐚𝐚𝐜𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐐𝐚𝐛𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐲𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐝𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐞𝐞 𝐓𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐠𝐭𝐚 𝐃𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐚𝐥𝐦𝐮𝐝𝐮𝐠

Next Post

Wasiiru-dowlaha Cadaaladda oo kulan doceed la qaatay Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta

Next Post
Wasiiru-dowlaha Cadaaladda oo kulan doceed la qaatay Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta

Wasiiru-dowlaha Cadaaladda oo kulan doceed la qaatay Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In