Safiirka Soomaaliya ee dalka Uganda Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare ayaa maanta booqasho ugu tagtay Safiirka u jooga Uganda Dowladda aan dariska nahay ee Kenya Amb. Joash Maangi.
Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda dalalka Bariga Afrika guud ahaan iyo xariirka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo labada safiir isku raaceen in dalalka Soomaaliya iyo Kenya ay yihiin labo dal oo walaalo ah oo wax yaabo badan ka dhaxeeyaan.
Amb. Joash Maangi ayaa sheegay inuu diyaar u yahay in uu la shaqeeyo Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee Uganda xariir dhawna yeeshaan labada Safaaradood
Dhankeeda Danjire Fardowsa ayaa ka mahadcelisay sida wanaagsan ee uu Safiirka Kenya ee Uganda u soo dhaweeyay, kana shaqeeyn doonto in ay xariir dhaw yeeshaan labada safaaradood.