Friday, September 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo Martigelisay Madaxda Guddiga Luqadda Sawaaxiliga ee EAC

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya oo Martigelisay Madaxda Guddiga Luqadda Sawaaxiliga ee EAC
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku soo dhoweysay madaxda Guddiga Luqadda Sawaaxiliga ee Urur Goboleedka iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

Shir saddex maalmood socday oo lagu qabtay Muqdisho, ayaa looga hadlay qorshayaasha horumarinta luqadda Sawaaxiliga, taas oo muhiimad weyn u leh isku socodka iyo ganacsiga bulshada Bariga Afrika.

Related posts

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ ๐๐ก๐š๐ฐ๐š๐š๐ช๐š๐ฒ ๐ก๐ข๐ซ๐ ๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ก๐š๐ง๐ง๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐ญ๐š๐ซ๐ญ๐š๐ง๐ค๐š ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐ฌ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐จ๐จ๐ซ-๐ฌ๐จ๐จ๐œ๐š๐ฌ๐ก๐จ

September 17, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niรฑo ee Geeska Afrika

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niรฑo ee Geeska Afrika

September 17, 2026

Intii shirku socday, waxaa la isweydaarsaday fikrado ku saabsan xoojinta barashada luqaddan oo ah mid rasmi ah oo ay ku hadlaan dalal badan oo Bariga Afrika ka tirsan. Soomaaliya, oo dhammaadkii sanadka 2023 si rasmi ah ugu biirtay Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, ayaa muujisay dadaalkeeda ku aaddan horumarinta iskaashiga gobolka iyo adeegsiga luqadda Sawaaxiliga.

Xoghayaha fulinta – Guddiga Sawaaxiliga ee Ururka Bariga Afrika, Marwa Caroline Asimwe ayaa warbixin kooban ka bixisay waxa ay u taagantahay Guddiga.

โ€œWaxaan ku faraxsanahay inaan halkaan marti uga nahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ah xubinteenna ugu cusub ee Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika. Guddiga Luqadda Sawaaxiliga ee Bariga Afrika, waxa uu ka shaqeeyaa isku dubaridka horumarinta iyo adeegsiga luqadda Sawaaxiliga si loo xoojiyo isdhexgalka gobolka iyo horumarka waara.

Ujeedka aan halkaan u joognay sadexdii maalin ee la soo dhaafay waa wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed iyo dhiirrigelinta horumarinta iyo adeegsiga luqadda Sawaaxiliga, oo ah mid Afrika laga leeyahay, gaartayna heer caalami. Sawaaxiliga waa mid ka mid ah luqadaha rasmiga ah ee Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, sida lagu ansixiyay shirkii 24-aad ee Madaxda Ururka ee ka dhacay Arusha.

Waxaan sidoo kale aan ka wada hadalnay doorka Guddiga ee horumarinta Sawaaxiliga dalalka xubnaha ka ah si aan uga wada shaqeyno sidii Soomaaliya uga mid noqon lahayd dalalka Sawaaxiliga ku hormaray. Luqaddan waxa ay muhiim u tahay ganacsiga, shaqo abuurka, iyo isku socodka xuduudaha, taasoo kaalin weyn ka qaadaneysa barwaaqada gobolka.

Sawaaxiliga waxa uu helay aqoonsi heer caalami ah, iyadoo UNESCO u aqoonsatay 7-da Luulyo Maalinta Caalamiga ah ee Sawaaxiliga. Waxaan rajeyneynaa inaan si dhow ula shaqeyno Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo xoojiyo adeegsiga luqaddan muhiimka ah, taasoo xoojinaysa isdhexgalka iyo horumarka waara ee gobolka.

Caasha Axmed Xirsi Madaxa xogheynta xafiiska Urur goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha bariga Afrika, ee Wasaaradda arimaaha dibadda

โ€œWaxaan ku faraxsanahay inaan martigelinay madaxda Guddiga Luqadda Sawaaxiliga ee Urur Goboleedka Bariga Afrika.

Guddiga ayaa halkan u joogay in ay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya kala shiraan horumarinta luqadda sawaaxiliga ee mutaqbalka Soomaalidu u adeegsan karaan dhinaca isku socodka iyo ganacsiga iwm.

3 maalmood, ayaa is weydaarsannay fikrado qaabka luqadda Sawaaxiliga oo barashadeeda ay muhiim u tahay ganacsatada iyo guud ahaan is dhexgalka bulshada ku wada nool bariga africa.

Tallaabo wanaagsan ayaa horey u qaadnay, waxaan fileynaa in Soomaalidu ay fahmi doonaan muhiimadda ay noo leedahay ka faaโ€™iideysiga barnaamijyada ururka goboleedka bariga Africa, oo luqadda saxaaligu tahay tan koowaad ee ay ku wada hadlaan.

Ujeedka kulankaan sadexda maalin ee aan la laheyn guddiga anagoo mataleyno Dowladda Somalia, luqadda Sawaaxiliga ayaa ah luqadda rasmiga ah ee Bulshada Gobolka Bariga Afrika.

Soomaaliya, oo dhammaadkii sanadka 2023 si rasmi ah ugu biirtay ururkan, ayaa si firfircoon uga qayb qaadanaysa hawlaha lagu xoojinayo wada shaqeynta Ururka.

Muddadii saddexda maalmood ahayd ee uu socday shirkan aqoon-kororsiga ah, waxaa diiradda lagu saaray wacyigelinta iyo kor u qaadista barashada iyo ku hadalka luqadda Sawaaxiliga. Luqaddan ayaa runtii muhiim noo ah, gaar ahaan marka laga eego dhinacyada isdhexgalka ganacsiga, fududeynta adeegyadda bulshada, iyo isku socodka.

Luqadda Sawaaxiliga waxay faaโ€™iidooyin badan u leedahay bulshada Soomaaliyeed, oo ah bulsho ku suntan shaqo iyo ganacsi, isla markaana kaalin weyn ku leh ganacsiyada ka jira guud ahaan gobolka Bariga Afrika.

Waxaan u mahadcelinayaa masโ€™uuliyiinta dowladda ee ku matalay shirkan, iyo sidoo kale Ururka Bariga Afrika, kuwaas oo halkaan ku soo bandhigay adkeysi iyo ka-goโ€™naansho dhab ah.โ€

Previous Post

Danjire Fardowsa oo la kulantay Safiirka Kenya ee Uganda

Next Post

Guddoomiyaha SoDMA oo tababar u soo xiray howlwadeenno ka tirsan Hay’adda

Next Post
Guddoomiyaha SoDMA oo tababar u soo xiray howlwadeenno ka tirsan Hay’adda

Guddoomiyaha SoDMA oo tababar u soo xiray howlwadeenno ka tirsan Hay'adda

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ ๐๐ก๐š๐ฐ๐š๐š๐ช๐š๐ฒ ๐ก๐ข๐ซ๐ ๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ก๐š๐ง๐ง๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐ญ๐š๐ซ๐ญ๐š๐ง๐ค๐š ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐ฌ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐จ๐จ๐ซ-๐ฌ๐จ๐จ๐œ๐š๐ฌ๐ก๐จ

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ ๐๐ก๐š๐ฐ๐š๐š๐ช๐š๐ฒ ๐ก๐ข๐ซ๐ ๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ก๐š๐ง๐ง๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐ญ๐š๐ซ๐ญ๐š๐ง๐ค๐š ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐ฌ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐จ๐จ๐ซ-๐ฌ๐จ๐จ๐œ๐š๐ฌ๐ก๐จ

September 17, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, Isaga oo ka duulaya Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Qodobka 161aad...

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niรฑo ee Geeska Afrika

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niรฑo ee Geeska Afrika

September 17, 2026
0

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qaybgalay Shir Heerkiisu...

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Mudane Cabdikariin...

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan UNEP iyo UN-Habitat, Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In