Saturday, October 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirada Gaadiidka ee Soomaaliya iyo Cumaan oo ka wada hadlay dhamayatirka Heshiiska Hawada ee Labada dal

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wasiirada Gaadiidka ee Soomaaliya iyo Cumaan oo ka wada hadlay dhamayatirka Heshiiska Hawada ee Labada dal
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Faderalka Soomaliya Fardowsa Cismaan Cigall iyo Wafdi ay hogaaminayso oo ka qaybgalaya shirka Todobaadka Amniga ee ICAO oo ka dhacay magaalada Muscat ee dalka Cumaan, ayaa inta uu shirku socday waxay kulan doceed la yeelatay, Wasiirka Gaadiidka, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda ee Saldanada Cumaan, H.E. Eng. Hamood Saciid Al Mawaali.

Waxayna ka wada hadleen Xidhiidhka, Walaalnimo ee ka dhaxeeya Somaaliya iyo Cumaan ee dhanka Gaadiidka iyo Duulista hawada, iyo dhameystirka heshiiska Hawada Soomaaliya iyo Cumaan, iyadoo diiradda lagu saaray abuurista fursado cusub oo dhanka ganacsiga, dalxiiska iyo maalgashiga ah.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Sidoo kale waxay isla soo hadal qaadeen muhiimadda ay leedahay in la kobciyo xidhiidh adag oo ka dhexeeya labada Wadan, Wasiir Fardowsa ayaa iftiimisay fursadaha maalgashi ee Soomaaliya ma ahan oo keliya gaadiidka iyo duulista ee sidoo kale kaabayaasha muhiimka ah sida waddooyinka, dekedaha, iyo meelaha kale ee faa’iidada u leh labada dhinac.

Dhanka kale Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS ayaa u fidisay Casuumad, H.E. Eng. Al Mawaali WAsiirka Gaadiidka Ee Dalka Cumaan inuu bishan gudaheeda ku soo booqdo Soomaaliya, taasoo uu si wanaagasan u aqbalay.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu lafa guray fursadaha iskaashiga farsamo ee dhinacyada muhiimka ah ee duulista rayidka, oo ay ku jiraan dhisidda awoodda, amniga duulista, badqabka iyo adeegyada duulista hawada.

Ugu dambayn Wasiir Fardowsa ayaa aad ugu mahad-naqday Saldanadda Cumaan sida diirran ee ay ugu soo dhaweeyeen iyada iyo Wafdiga ay hogaaminayso ee ka qaybgalka xafladda toddobaadka ammaanka ee ICAO, iyaga oo hoosta ka xarriiqay labada Masuul muhiimadda ay munaasabaddani u leedahay horumarinta amniga duulista hawada adduunka. Ka-qaybgalkaani waxa uu astaan ​​u yahay tallaabo kale oo loo qaaday dhanka xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo kobcinta iskaashi faa’iido leh oo dhexmara Soomaaliya iyo Cumaan.

 

Previous Post

U diyaar garowga Xuska Aas aaska Ciidanka Booliska oo socoto

Next Post

Diyaaradaha Ciidanka Cirka oo gaaray saldhigga qeybta 60-aad ee Baydhabo

Next Post
Diyaaradaha Ciidanka Cirka oo gaaray saldhigga qeybta 60-aad ee Baydhabo

Diyaaradaha Ciidanka Cirka oo gaaray saldhigga qeybta 60-aad ee Baydhabo

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In