Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta furay Shirweyanah Iskaashiga Dowladda, Ganacsatada iyo Bulshada ee Qorshaha Ka hortagga iyo la dagaallanka Maalgalinta Argagixisada.
Ujeedka Shirka ayaa ah in dowladda, ganacsatada iyo bulshadu ay iska kaashadaan la dagaallanka maalgalinta Argagixisada iyada oo la bartilmaameedsanayo dadka la shaqeysta Khawaarijta iyo kuwa Maalgeliya, waxaana ciddii lagu helo danbiga noocaas ah la horgeyn doono Caddaaladda.
Shirka waxaa ka qeybgalaya masuuliyiin katirsan dowladda,Culima’udiin Ganacsato iyo marti sharaf kale ayaa lagu falaqeyn doonaa sidii la isagagaashan lahaa la dagaalanka maalgalinta Argagixisada oo dhibaata badan ku heysa shacabka Soomaaliyeed.