Sunday, May 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Heshiiskii Ankara oo Soomaliya u ah guul diblomaasiyadeed (WARBIXIN)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
December 14, 2024
in Wararka
0
Heshiiskii Ankara oo Soomaliya u ah guul diblomaasiyadeed (WARBIXIN)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn
Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku heshiiyey go’aan wadajir ah oo lagu xallinayo khilaafkooda ku saabsanaa doonista Itoobiya oo aan bad laheyn, sida uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan. Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id oo ay si wadajir ah ugu qabteen magaalada Ankara, Erdogan goor dambe oo Arbacadii ah ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed “dib u heshiisiin taariikhi ah oo ay sameeyeen”.

Guul taariikhi ah ayuu Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh ka soo hooyay Ankara. Itoobiya labo sannadood diidaneeyd midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ayuu caalamka hortiisa jilbaha dhulka ugu dhuftay ugana saxiixay in ay xaqiiqada ku qancaan. Dowladda Turkiga oo NATO ka tirsan Madaxweynaheeda Erdogan ayaa marag ahaa, waxaa iyana boggaadin mudan qoraalka lagu qeexay inuu ahaan doono kiro ama qandaraas ee si dhameeystiran meesha looga saaray kalmaddii “lahaan-shaha ee ay Itoobiyaanku rabeen, iyadoo inta badan qeybihii iyo farsamadii heshiisku uu dhiman yahay, taasi oo loo saari doono guddi farsamo.

Sooyaal ahaan, Madaxweyne Dr. Xasan Shiikh wuxuu ku suntan yahay difaacidda qadiyaddaha Badda Soomaaliyeed, waxaana si weyn looga xasuustaa oo ay muxaafad iyo mucaarad intuba dood ka soo celin karin halkii uu marsiiyay murankii Badda ee innaga iyo Kenya, waxaana sidoo kale marnaba indhaha laga qarsan karin halgankii uu qadiyadda ilaalinta midnimada uu u galay Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya mudane Ahmed Moallin Fiqi, waxaana heshiiskaasi aad u bogaadiyay siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

“Madaxweyne Xasan Sheekh labo jeer ayuu dalka ka badbaadiyay khatar ku aadaneyd damacyada Dowladaha Itoobiya iyo Kenya”, sidaasi waxaa yiri:-Prof Xasan Sheekh oo aad uga faallooda arrimaha siyaasadda, “Dacwadii badda kenya looga guuleystay iyo xad-gudubkii Itoobiya ku soo damacday Biyaha Soomaaliya, sidaasi daradeeda  guulaha Madaxweynaha uu ku tilaabsanayo”.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo si rasmi ah u furay Kulanka Dowladda iyo Bulshadda Rayidka ah

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo si rasmi ah u furay Kulanka Dowladda iyo Bulshadda Rayidka ah

May 11, 2025
Hay’adaha DFS oo isugu yimid kulan looga hadlayay Qorshaha Qaran  ee la dagaalanka isbeddelka cimilada

Hay’adaha DFS oo isugu yimid kulan looga hadlayay Qorshaha Qaran ee la dagaalanka isbeddelka cimilada

May 11, 2025

“Tallaabadan muhiimka ah waxay xoojin doontaa xiriirka labada dal iyo sidii gacan looga geysan lahaa xasilloonida iyo iskaashiga wax-ku-oolka ah ee Geeska Afrika”, ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedkaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Khaliijka, iyadoo Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta ay Warsaxaafadeed ay soo saartay Khamiistii ku soo dhaweysay heshiiskii Turkiga uu dhexdhexaadinayay ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya, kaasoo lagu soo Afjarayay khilaafkii u dhaxeeyay labada dal.

Bayaankaan  ayaa lagu caddeeyay sida ay Imaaraadka Carabta uga go’an tahay horumarinta nabadda iyo xasilloonida gobolka, waxaana lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in khilaafaadka lagu xalliyo qaab nabadeed, waxaana War saxaafadeedka lagu ammaanay dadaalka Turkiga iyo doorka Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ee ka mira dhalinta heshiiska,iyadoo dhanka kale wada-hadallada ku tilmaamay in ay ka dhigan yihiin tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo arrimaha gobolka iyo kan caalamka.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika H.E. Moussa Faki Mohamat ayaa isna soo dhoweeyay wadahadaladii uu garwadeenka ka ahaa Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayip Erdogan una dhaxeeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, kaasI oo lagu soo Afmeeray khilaafkii labada dal ka dhaxeeyay.

Guddoomiyaha guddiga ayaa soo dhoweeyay tallaabadan muhiimka iyo mas’uuliyadda adag ee ay qaadeen madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya. Wuxuun dhanka kale, dhiirageliyay in la fuliyo iyada oo aan dib loo dhigin tillaabooyinka muhiimka ah ee hore loo qaaday, wuxuuna ugu dambeyn, Guddoomiye Moussa Faki, uu bogaadiyay kuna hambalyeeyay Madaxweyne Erdogan taageeradiisa hagar la’aanta iyo martigelinta kulankan iyo dadaalkii uu ku bixiyay ka mira dhalinta xalinta xasaraddan ka aloosneyd Geeska Afrika.

Dowladda Mareykanka ayaa iyada Khamiistii sheegay inuu soo dhaweynayo heshiiska ay Soomaaliya iyo Itoobiya ku gaareen in lagu soo afjaro xiisadda gobolka ee ka dhalatay isku dayga ay Addis Ababa ku dooneyso inay marin u hesho badda. Labada dal ayaa khilaaf uu ka dhaxeeyey tan iyo markii dalka Itoobiya ee aan badda lahayn uu bishii Janaayo heshiis la galay maamulka Somaliland ee sheega in uu ka go’ay Soomaaliya, kaas oo ku saabsanaa in dhul xeebeed laga kireeyo Addis-Ababa oo ay ka sameysato deked iyo saldhig ciidan, hase yeeshee Arbacadii, Turkiga, oo dhexdhexaadiye ka ahaa wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya, ayaa ku dhawaaqay in labada dhinac ay gaareen heshiis xaqiijinaya “marin la isku halleyn karo, ammaan ah oo waara oo ay Itoobiya ku hesho Bad ay u isticmaasho ganacsi ahaan,” kaasi oo “hoos imanaya maamulka madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”

“Heshiiskii Ankara ee Soomaaliya iyo Itoobiya waxa uu caddeynayaa in loo soo guuray oo loo soo noqday in lagu wada shaqeeyo xayndaabka sharciga Caalamiga ah iyo Qawaaniinta u yaala Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobey”, sidaasina waxaa yiri:-  Raiisul-salwasaare Ku Xigeenka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac.

“Hal sano oo shaqo adag ah ka dib, waxaan iska xirnay isku day halis ku ahaa Qaranka. Waxay ahayd xil-gudasho adag oo miro-dhal noqotay. Waxaa mudan mahad oo dhan Alle weyn, ka dib madaxda qaranka iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee midnimada iyo mowqifka adag ku difaacay dalkooda. Insha’Allah, qarankeennu wuu guuleysanayaa wuuna ka gudbi doonaa caqabadaha,” ayuu yiri Wasiir-ku xigeen Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee dowladda federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ku guuleysatay soo afjaridda isku day halis ku ahaa qaranka, kadib hal sano oo shaqo adag ah. Hadalkan ayaa yimid xilli magaalada Ankara lagu soo gabagabeeyay shir muhiim ah oo uu garwadeen ka ahaa Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, una dhaxeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Danjire Axmed Macalin Fiqi ayaa Shacabka Soomaaliyeed faahfaahin Dhamaystiran ka siiyay nuxurka heshiiska ay Soomaaliya iyo Itoobiya ku galeen dalka Turkiga, wuxuuna sheegay in mar kasta Dowladda Soomaaliya ay ku taagneyd shuruucda caalamiga ah isla markaana hadda Xaqiiqda ay ogaatay Ethiopia oo markii hore wado qaldan ku raadinaysay Bad aysan lahayn Mulkiyadeeda.

Dhinaca kale Jawhar Maxamed oo ah siyaasi Itoobiyaan ah ayaa sheegay in heshiiskii Ankara uu Soomaliya u ahaa guul diblomaasiyadeed, meeshana ka saarayo in Itoobiya ay xeebaha badda-cas ku yeelato dekad ay iska leedahay, taasi badelkeeda uu heshiiskaasi Itoobiya u ogolaanayo oo kaliya inay dekadaha Soomaliya isticmaasho, waxaa kaloo uu xusay in hesiiskii Somaliland ee Itoobiya faa’iidada u ahaa uu heshiiska Ankara uu laalayo, wuxuuna dhowr marar isbarbardhig ku sameeyay in labada eray ee “Lahaansho iyo isticmaal” oo labada heshiis ay kala dhigayaan, tusaale heshiiska Somaliland ee Itoobiya ay sheegatay inay ku helayso dekad ay leedahay iyo heshiiska Ankara oo kaliya Itoobiya u fasaxaya inay dekadaha Soomaliya isticmaasho, waxayna tani ku saleysnaan doonto shuruucda caalamiga ah sida Axdiga Qaramada midoobay ee sharciga Baddaha oo horey ay u aqbaleen Dalalka Itoobiya deriska la ah.

By. C/lahi Ruush

Previous Post

Shirweyanaha Iskaashiga Dowladda, Ganacsatada ee Ka hortagga Maalgalinta Argagixisada oo ka furmay Muqdisho

Next Post

Wasiirka Cadaaladda oo kulan la qaatay jaaliyadda Soomeeliyeed ee dalka Turkiga

Next Post
Wasiirka Cadaaladda oo kulan la qaatay jaaliyadda Soomeeliyeed ee dalka Turkiga

Wasiirka Cadaaladda oo kulan la qaatay jaaliyadda Soomeeliyeed ee dalka Turkiga

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo si rasmi ah u furay Kulanka Dowladda iyo Bulshadda Rayidka ah

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo si rasmi ah u furay Kulanka Dowladda iyo Bulshadda Rayidka ah

May 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa si rasmi ah u furay...

Hay’adaha DFS oo isugu yimid kulan looga hadlayay Qorshaha Qaran  ee la dagaalanka isbeddelka cimilada

Hay’adaha DFS oo isugu yimid kulan looga hadlayay Qorshaha Qaran ee la dagaalanka isbeddelka cimilada

May 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Hay’adaha dowladda federaalka ayaa maanta isugu yimid kulan muhiim ah oo lagu lafagurayo, laguna ansixinayo Qorshaha Qaran ee...

Shir u dhaxeeyay Danjireyaasha Wadamada Afrika oo lagu soo gabagabeeya Magaalada Mombasa

Shir u dhaxeeyay Danjireyaasha Wadamada Afrika oo lagu soo gabagabeeya Magaalada Mombasa

May 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Waxaa Magaalada Mombasa ee dalka Kenya lagu soo gaba-gabeeyay shir wada-tashi ah oo u dhaxeeyay Danjireyaasha Wadamada Afrika...

Shirka guddiga qeybta Furdooyinka ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo lagu soo gabagabeeyay Tanzania

Shirka guddiga qeybta Furdooyinka ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo lagu soo gabagabeeyay Tanzania

May 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Magaalada Arusha ee dalka Tanzania waxaa lagu soo gabagabeeyay shirka arrimaha Furdooyinka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In