Wafdi ka socday Ururka Caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliya oo maalmahaan qayb ka ahaa Shirweynaha 15aad ee Ururka Caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed, ayaa booqday xarumaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho .
Wafdiga waxaa ka mid ahaa Guddoomiyeyaasha Jaamacadaha Jigjiga, Gaarisa, Camuud iyo sidoo kale madax sare oo ka kala socday Jaamacadaha Beder, Burco, Hargeysa iyo masuuliyiin ka socday Djibouti.
Wafdigaasi waxa ay kulan la yeesheen Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada HTD ee Soomaaliya, mudane, Farah Sheikh Abdulqadir iyo guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Dr. Xasan Cusman Gacal, iyaga oo ka wada hadlay horumarinta iyo isku xirka waxbarashada sare ee dhinacyadaasi iyo iskaashi laga yeesho xagga cilmi-baarisyada.