Wednesday, April 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/W Xamsa oo balan qaaday in talaabo laga qaadi doono mas’uulkii ku xadgudba Haweenka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
R/W Xamsa oo balan qaaday in talaabo laga qaadi doono mas’uulkii ku xadgudba Haweenka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Haweenka Soomaaliyeed ay door muuqda ku leeyihiin Xukuumadda DanQaran, dhawaana ay ka heli doonaan xuquuqda ay ku leeyihiin Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha iyo hey’addaha kala duwan ee dowladda.

Mudane Xamsa, ayaa hoosta ka xarriiqay in uusan xil ka hayn doonin Xukuumadda DanQaran, mas’uul walba oo ku xadgudba xaquuqda dumarka Soomaaliyeed, isaga oo intaas ku daray in xukuumaddu ay ansixisay sharciyadii lagu ilaalinayey xuquuqda haweenka Soomaaliyeed.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Hoygiisa ku qaabilay qaar ka mid ah Isimada Puntland

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Hoygiisa ku qaabilay qaar ka mid ah Isimada Puntland

April 15, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

April 14, 2026

Ra’iisul Wasaaraha, oo xusay kaalinta ay haweenku ku leeyihiin dowlad-dhiska iyo tayeynta hey’addaha Qaranka, ayaa ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan doorashooyinka qof iyo codka ah ee dalka laga qabanayo, si ay u soo doortaan dumarkooda aqoonta leh ee wax u taraya dalka.

“Haweenku waa laf-dhabarta Qarankeennu ku tiirsanaa waqtiyo adag oo la soo maray, sidaas awgeed, waxaan doonaya in aan u mahadceliyo, kuna dhiirrigeliyo dedaalkooda naf-hurnimada ah iyo shaqada culus ee ay dalkooda u hayaan”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Ra’iisul Wasaaraha, oo ku bogaadiyey haweenka Soomaaliyeed kaalintooda muhiimka ah ee ku aaddan dowlad-dhiska, ayaa ugu baaqay shirkadaha gaarka loo leeyahay in ay fursad siiyaan haweenka aqoonta leh, si kor loogu qaado shaqo abuurka iyo awoodsiinta dumarka.

Previous Post

Dowladda oo bigaadisay howlgalka la dagaallanka argagixisada ee ka socda Puntland

Next Post

Hay’adda SoDMA oo gargaar gaarsiisay Qoysas danyar ah oo ku suugan duleedka Guriceel

Next Post
Hay’adda SoDMA oo gargaar gaarsiisay Qoysas danyar ah oo ku suugan duleedka Guriceel

Hay’adda SoDMA oo gargaar gaarsiisay Qoysas danyar ah oo ku suugan duleedka Guriceel

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Hoygiisa ku qaabilay qaar ka mid ah Isimada Puntland

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Hoygiisa ku qaabilay qaar ka mid ah Isimada Puntland

April 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa hoygiisa ku qaabilay, kulan casho ahna kula qaatay qaar ka mid ah...

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

April 14, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay sii-hayaha Wakiilka Xoghayaha Guud...

Madaxweynaha  Azerbaijan oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

Madaxweynaha Azerbaijan oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

April 14, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Azerbaijan, Mudane Cabdinuur Daahir Fiidow, ayaa si rasmi ah waraaqihiisa aqoonsiga safiirnimo ugu gudbiyay...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska oo si rasmi ah u gudbisay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta

Wasiirka Wasaaradda Qoyska oo si rasmi ah u gudbisay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta

April 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi ayaa maanta si rasmi ah u gudbisay nuqulka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In