Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

IGAD oo Soomaaliya kala shaqeyn doonta la qabsiga Isbeddalka Cimilada

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 years ago
in Wararka
0
IGAD oo Soomaaliya kala shaqeyn doonta la qabsiga Isbeddalka Cimilada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddalka Cimilada JFS, Sareeye Guud Mudane Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Agaasimaha Xarunta La-qabsiga Isbeddalka Cimilada iyo Ilaalinta Deegaanka ee Urur Gobaleedka IGAD, Danjire Jamaal Maxamed Xasan, oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo IGAD ee ka hortagga iyo la-qabsiga isbeddalka cimilada, iyo ilaalinta deegaanka. Agaasimaha Xarunta IGAD ayaa Wasiirka siiyay warbixin ku saabsan hawlaha baaxadda leh ee la qabto ee ku saabsan isbeddalka cimilada, iyo istaraatijiyadda la-qabsiga ee 2023-2030, isagoo ballan-qaaday in Soomaaliya ay kaalin muhiim ah ka qaadan doonto.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

October 3, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026

Wasiir Bashiir Maxamed Jaamac ayaa sheegay in Wasaaraddu ay si dhow ula shaqeyn doonto IGAD si loo dardar-geliyo howlahaan, iyadoo la tayeeyo maareynta deegaanka iyo taageerada bulshooyinka saameysay fatahaadaha, abaaraha, iyo masiibooyinka dabiiciga ah.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa kulanka ku wehelinayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo khuburo kale, waxaana la isku afgartay in si wadajir ah loo hormariyo howlaha muhiimka ah ee labada dhinac u wada shaqeynayaan.

Previous Post

Soomaaliya iyo Tanzania oo seddex heshiis ku kala saxiixday Daarasalaam

Next Post

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay shir looga hadlayo xaaladda dalka Congo DRC

Next Post
Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay shir looga hadlayo xaaladda dalka Congo DRC

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay shir looga hadlayo xaaladda dalka Congo DRC

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Magaalada Arusha ee Dalka Tanzania kulan...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In