Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

IGAD oo Soomaaliya kala shaqeyn doonta la qabsiga Isbeddalka Cimilada

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 years ago
in Wararka
0
IGAD oo Soomaaliya kala shaqeyn doonta la qabsiga Isbeddalka Cimilada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddalka Cimilada JFS, Sareeye Guud Mudane Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Agaasimaha Xarunta La-qabsiga Isbeddalka Cimilada iyo Ilaalinta Deegaanka ee Urur Gobaleedka IGAD, Danjire Jamaal Maxamed Xasan, oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo IGAD ee ka hortagga iyo la-qabsiga isbeddalka cimilada, iyo ilaalinta deegaanka. Agaasimaha Xarunta IGAD ayaa Wasiirka siiyay warbixin ku saabsan hawlaha baaxadda leh ee la qabto ee ku saabsan isbeddalka cimilada, iyo istaraatijiyadda la-qabsiga ee 2023-2030, isagoo ballan-qaaday in Soomaaliya ay kaalin muhiim ah ka qaadan doonto.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Wasiir Bashiir Maxamed Jaamac ayaa sheegay in Wasaaraddu ay si dhow ula shaqeyn doonto IGAD si loo dardar-geliyo howlahaan, iyadoo la tayeeyo maareynta deegaanka iyo taageerada bulshooyinka saameysay fatahaadaha, abaaraha, iyo masiibooyinka dabiiciga ah.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa kulanka ku wehelinayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo khuburo kale, waxaana la isku afgartay in si wadajir ah loo hormariyo howlaha muhiimka ah ee labada dhinac u wada shaqeynayaan.

Previous Post

Soomaaliya iyo Tanzania oo seddex heshiis ku kala saxiixday Daarasalaam

Next Post

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay shir looga hadlayo xaaladda dalka Congo DRC

Next Post
Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay shir looga hadlayo xaaladda dalka Congo DRC

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay shir looga hadlayo xaaladda dalka Congo DRC

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In