Sunday, July 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Guddoomiyay shir ku saabsan saameynta Colaadaha 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
1 year ago
in Wararka
0
Wasiirka Maaliyadda XFS oo Guddoomiyay shir ku saabsan saameynta Colaadaha 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka ugu horeeyay ee ay yeeshaan shabakadda Isbeddalka Cimilada iyo Colaadaha. Shirkan heer-Wasiir ah oo ka dhacay magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, ayaa waxaa ka soo qeybgalay dowlado dhowr ah oo ay saameeyeen isbeddelka cimilada iyo colaadaha ka dhacay meelo kala duwan.

Shirkan oo ka dhacay kadib shirkii weynaa ee Isbeddalka Cimilada COP29 oo lagu qabtay dalka Azarbaijaan, ayaa looga hadlay sidii dalalka nugul ee weli ka soo kabanaya saameynta colaadaha iyo isbeddelka cimilada ay u heli lahaayeen taageero gaar ah.

Related posts

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo dhigiisa Masar oo Khadka Taleefanka ku Wada Hadlay

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo dhigiisa Masar oo Khadka Taleefanka ku Wada Hadlay

July 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray tababar laba toddobaad socday oo ku saabsanaa filim-sameynta

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray tababar laba toddobaad socday oo ku saabsanaa filim-sameynta

July 11, 2026

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa khudbad uu jeediyay ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la taageero dalalka sida Soomaaliya ee ay saameeyeen abaaraha, fatahaadaha, iyo saameynta guud ee isbeddelka cimilada adduunka. Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal weyn galisay si ay u caawiso dadka ku dhibaataysan colaadaha iyo isbeddelka cimilada, isla markaana loo baahan yahay in madashani ay soo saarto xalal wax ku ool ah oo wadajir ah.

Previous Post

Wasiirka Awqaafta XFS oo Safiirka Norway ka  hadlay Dagaalka Afkaaraha ee Xagjirnimada

Next Post

Wasiir Fartaag oo kormeer ku maray waddooyinka Muqdisho 

Next Post
Wasiir Fartaag oo kormeer ku maray waddooyinka Muqdisho 

Wasiir Fartaag oo kormeer ku maray waddooyinka Muqdisho 

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo dhigiisa Masar oo Khadka Taleefanka ku Wada Hadlay

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo dhigiisa Masar oo Khadka Taleefanka ku Wada Hadlay

July 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali(Dhaay), ayaa khadka taleefanka kula hadlay...

Foreign Ministers of Somalia and Egypt Hold Telephone Conversation

Foreign Ministers of Somalia and Egypt Hold Telephone Conversation

July 11, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, H.E.Abdisalam Ali, held a telephone conversation...

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray tababar laba toddobaad socday oo ku saabsanaa filim-sameynta

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray tababar laba toddobaad socday oo ku saabsanaa filim-sameynta

July 11, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa soo xiray tababar laba toddobaad socday...

Ciidamada amaanka Beladweyne oo ka hortegay fal argagixisanimo

Ciidamada amaanka Beladweyne oo ka hortegay fal argagixisanimo

July 11, 2026
0

Ciidamada ammaanka ee magaalada Beledweyne ayaa caawa ka hortegay fal argagixiso oo labo dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta ay qorsheynayeen...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In