Friday, March 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Barnaamijyada

Guuleystayaashii sanadkii hore oo tartanka laga reebay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Barnaamijyada, Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Wararka
0
Guuleystayaashii sanadkii hore oo tartanka laga reebay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Shan iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 1-aad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka  Laascaanood iyo Heliwaa oo ka kala tirsan Gobollada Sool iyo Banaadir , waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmoo ee Laascaanood iyo Heliwaa ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Related posts

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo munaasabadda Ciidul Fidriga swgeed hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo munaasabadda Ciidul Fidriga swgeed hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed

March 19, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul fitriga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul fitriga

March 19, 2026

Laascaanood

Tartameyaasha Degmada Laascaanood ee Gobolka Sool waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Saddex su’aal oo kaliya, halka ay iska qaldeen Afar su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen: sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Laascaanood ay heleen waxay noqotay Lix (06) dhibcood.

Heliwaa

Tartamayaasha Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Lix su’aal, halka ay iska qaldeen Hal su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha degmada Laascaanood, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Heliwaa waxay noqotay Afar iyo Toban (14) dhibcood.

Hadaba kulankii 1-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Heliwaa  ee Gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi. waxaana tartameyaasha Laascaanood oo ahayd kuwii ku guuleystay samadkii hore ayaa sanadkan wareegga koowaad lagu reebay.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 2-aad ee tartanka, waxaa ku baratami doona degmooyinka Xamarweyne iyo Marka Cadeey oo ka kala tirsan Gobollada Benaadir yo Shabeellaha Hoose.

Previous Post

Wasiirka Warfaafinta oo si rasmi ah u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh: Shacabka Soomaaliyeed waa in ay garab istaagaan Dowladda si aan uga guulaysano Khawaarijta

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh: Shacabka Soomaaliyeed waa in ay garab istaagaan Dowladda si aan uga guulaysano Khawaarijta

Madaxweyne Xasan Sheekh: Shacabka Soomaaliyeed waa in ay garab istaagaan Dowladda si aan uga guulaysano Khawaarijta

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo munaasabadda Ciidul Fidriga swgeed hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo munaasabadda Ciidul Fidriga swgeed hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed

March 19, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aadan Munaasabadda Ciidul Fitriga u diray shacabka Soomaaliyeed iyo...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul fitriga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul fitriga

March 19, 2026
0

Waxa aan hambalyo ku aaddan munaasabadda barakaysan ee Ciidul Fidriga la wadaagayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan ummadda Islaamka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

March 19, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kormeer shaqo ugu tegay cutubyo ka tirsan ciidamada oo ku sugan...

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

March 19, 2026
0

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa magaalada New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In