Wednesday, August 27, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xeerka Guddiga Isku-duwidda Musiibooyinka oo la Ansixiyey

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
March 5, 2025
in Wararka
0
Xeerka Guddiga Isku-duwidda Musiibooyinka oo la Ansixiyey
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Dr. Axmed Cabdi Aadan, ayaa kor-joogteeyay kulan muhiim ah oo ay isugu yimaadeen Dowladda Federaalka, wakiillo ka socday dowlad gobolleedyada, hay’adaha Qaramada Midoobay, NGO-yada maxalliga ah, iyo ururrada bulshada rayidka. Kulankan ayaa lagu ansixiyay xeerka uu ku shaqeynayo Guddiga Qaran ee Isku-duwidda Maareynta Musiibooyinka (NDMCC).

Dr. Axmed ayaa muujiyay muhiimadda wadashaqeynta iyo iskaashiga hay’adaha heer qaran iyo heer dowlad gobolleed, si loo xaqiijiyo maarayn hufan oo wax-ku-ool ah. Wuxuu xusay in maareynta musiibooyinka ay ku imaan karto dadaal wadajir ah, loona baahan yahay iskaashi buuxa oo dhexmara dhammaan hay’adaha iyo bah-wadaagta kale ee ka shaqeysa gargaarka bini’aadannimo.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo booqday xarunta warshadaha tamarta ee Ningxia

Ra’iisul Wasaare Xamse oo booqday xarunta warshadaha tamarta ee Ningxia

August 27, 2025
Hay’adda SoDMA oo Balcad ka daah-furtay mashruuc raashin qeybin ah

Hay’adda SoDMA oo Balcad ka daah-furtay mashruuc raashin qeybin ah

August 27, 2025

Guddiga Isku-duwidda Maareynta Musiibooyinka, oo la aasaasay iyadoo la kaashanayo taageerada mashruuca SCRP ee Bangiga Adduunka maal-galiyay, ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo dadaallada lagu maareynayo musiibooyinka dalka. Guddigan wuxuu kaalin muuqata ka qaadan doonaa isku-dubbaridka dadaallada gurmadka iyo ka hortagga musiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa dad-sameeyga ah.

Previous Post

Shir ku saabsan dardargelinta Amniga Caasimadda oo lagu qabtay Muqdisho 

Next Post

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad oo gaaray Baydhabo

Next Post
Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad oo gaaray Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad oo gaaray Baydhabo

Ra’iisul Wasaare Xamse oo booqday xarunta warshadaha tamarta ee Ningxia

Ra’iisul Wasaare Xamse oo booqday xarunta warshadaha tamarta ee Ningxia

August 27, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqasho ku tagay Xarunta Warshadaha Tamarta iyo Kiimikada ee Ningdong,...

Hay’adda SoDMA oo Balcad ka daah-furtay mashruuc raashin qeybin ah

Hay’adda SoDMA oo Balcad ka daah-furtay mashruuc raashin qeybin ah

August 27, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdille, ayaa maanta degmada Balcad ka daah-furay mashruuc raashin qeybin ah oo...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS iyo saraakiil kale oo kormeeray deegaanka Number 50

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS iyo saraakiil kale oo kormeeray deegaanka Number 50

August 26, 2025
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar iyo Ganeraal Sebahattin Kalkan, Taliyaha Ciidanka Turk-Som, ayaa gaarey deegaanno...

Guddoomiyaha SoDMA oo mashruuc muhiim ah ka daah-furay Balcad

Guddoomiyaha SoDMA oo mashruuc muhiim ah ka daah-furay Balcad

August 26, 2025
0

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdille, ayaa maanta safar dhulka ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In