Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Shan iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 9-aad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Ceelbuur iyo Deyniile oo ka kala tirsan Gobollada Galgaduud iyo Benaadir. waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Tartameyaasha labada degmoo ee Ceelbuur iyo Deyniile ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.
Ceelbuur
Tartameyaasha Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud waxaa la weydiiyey todobo Suโaal, todobadii suโaal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Shan suโaal oo kaliya, halka ay iska qaldeen Labo suโaal, Ma jirin wax ka faaโiideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Ceelbuur ay heleen waxay noqotay Toban (10) dhibcood.
Deyniile
Tartamayaasha Degmada Deyniile ee Gobolka Benaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo suโaal, waxa ay ka jawaabeen Shan suโaal, halka ay iska qaldeen Labo suโaal, Ma jirin wax ka faaโiideysi ah ooย ay heleen, ย sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Deyniile waxay noqotay Toban (10) dhibcood.
Sida uu sharciga dhigayo marka ay labada degmo ee tartameysa ay barbar dhac noqdaan waxaa lagu daraa suโaalo dheeri ah si loo kalaย saaro labada degmo, waxaana sida sharciga uu qabo suโaalaha dheeriga ah ma noqon doonaan kuwa isku mid ah.
Suโaalihii dheeriga ahaa ee lagu daray ayaa waxaa nasiib u yeelatay tartamayaasha Deyniile balse waa ay iska qaldeen, oo durba waxaa ka faaโiideystay Ceelbuur oo sidoo kaleย kaย jawaabtay suaashii 8aad ee dhankooda la wedyiiyay,ย sidaas ayayna ku heleen 14 dhibcood, halka Deyniile ay la timid 10 dhibcood oo kaliya ah.
Hadaba kulankii 9-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga Labaad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.
Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 10aad ee tartanka, waxaa ku tartami doona degmooyinka Ceeldheer iyo Moqokori oo ka kala tirsan Gobollada Galgaduud iyo Hiiraan.
Sawir qaade:- Khadar Cali Nuur