Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Shan iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 17–aad ee wareegga Labaad kulankiisa 1-aad ku tartamay Degmooyinka Heliwaa iyo Marka oo ka kala tirsan Gobollada Benaadir iyo Shabeelaha Hoose. waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Tartameyaasha labada degmoo ee Heliwaa iyo Marka ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.
Heliwaa
Tartameyaasha Degmada Heliwaa ee Gobolka Benaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Afarr su’aal, halka ay iska qaldeen Saddex su’aal, Ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Heliwaa ay heleen waxay noqotay Sideed (08) dhibcood.
Marka
Tartamayaasha Degmada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay si sax ah uga jawaabeen Afar su’aal oo kaliyBaa, halka ay iska qaldeen Saddex su’aal, Waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay dhigooda Heliwaa, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Marka waxay noqotay Toban (10) dhibcood.
Hadaba kulankii 17-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga Saddexaad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.
Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 18-aad ee tartanka, waxaa ku tartami doona degmooyinka Dhahar iyo Dharkeynleey oo ka kala tirsan Gobollada Sanaag iyo Benaadir.
Sawir qaade:- Khadar Cali Nuur