Monday, September 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo dhiirigelin ugu tegay geesiyaasha difaaca shacabka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo dhiirigelin ugu tegay geesiyaasha difaaca shacabka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta booqasho dhiirigalin ah ugu tagay Ciidamada Macawisleyda ah ee deegaanka Ceel Qoryaale ee hoostage degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, oo haatan qeyb ka ah dagaallada khawaarijta dalka looga saarayo, waxaana uu ku wareejiyay laba neef oo geel ah iyo deeq kala duwan.

Goobta lagu wareejinayay deeqdaan geele ah, waxaa ku sugnaa Xildhibaan Maalik Cabdalla oo ka tirsan golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi Nuur Dheere, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gargaarka Hirshabelle iyo  saraakisha ciidamada degaanka.

Related posts

Ganacsatada Soomaaliyeed oo la dhiirigelinayo

Ganacsatada Soomaaliyeed oo la dhiirigelinayo

September 14, 2026
Guddiga Maaliyadda ee Aqalka Sare ee BJFS oo qaabilay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Maaliyadda

Guddiga Maaliyadda ee Aqalka Sare ee BJFS oo qaabilay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Maaliyadda

September 14, 2026

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macallin Cabdulle oo goob fagaaro kula hadlay boqolaal ciidamada deegaanka ayaa ku dhiirigaliyay dagaalkaan oo ah mid xaq ah, waxaana uu sheegay in mar walba ay garab taaganyahay  Hay\addu.

Xildhibaan Maalik Cabdalla oo ka tirsan BFS ayaa sheegay in uu Hay’adda SoDMA iyo guddoomiyaheeda uu uga mahadcelinayo sida uu marwalba dadka deegaanka Hiiraan u garab taaganyahay.

Previous Post

Hay’adda SoDMA oo gargaar u dirtay deegaanka Xaaji Cali

Next Post

Tartamayaasha Buur-hakaba oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka

Next Post
Tartamayaasha Buur-hakaba oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka

Tartamayaasha Buur-hakaba oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka

Ganacsatada Soomaaliyeed oo la dhiirigelinayo

Ganacsatada Soomaaliyeed oo la dhiirigelinayo

September 14, 2026
0

Waxaa Soomaaliya laga hirgelinayaa qorshe cusub oo lagu taageerayo ganacsatada yar-yar ee Soomaaliyeed, kaas oo diiradda saaraya sidii loo fududeyn...

Guddiga Maaliyadda ee Aqalka Sare ee BJFS oo qaabilay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Maaliyadda

Guddiga Maaliyadda ee Aqalka Sare ee BJFS oo qaabilay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Maaliyadda

September 14, 2026
0

Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Aqalka Sare ee BJFS, oo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah, ayaa maanta...

Wasaaradda Qorsheynta oo ka qeyb gashay wadatashiga maalgashiga Webiga Shabeelle

Wasaaradda Qorsheynta oo ka qeyb gashay wadatashiga maalgashiga Webiga Shabeelle

September 14, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Cabdifaatax Cabdulqaadir Faarax, ayaa ka qeyb galay kulan wadatashi ah...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Kormeer Shaqo ku Tagay Difaacyada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Kormeer Shaqo ku Tagay Difaacyada Baydhabo

September 14, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, oo howlo shaqo u jooga magaalada Baydhabo, xarunta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In