Saturday, October 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo dhiggiisa Serbia kala hadlay xiriirka labada dal

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 months ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo dhiggiisa Serbia kala hadlay xiriirka labada dal
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Danjire Axmed Macallim Fiqi ayaa wada-hadal dhanka khadka Telefoonka uu la yeeshey Maanta dhigiisa Wasiirka Arimaha Dibada Jamhuuriyadda Serbia Danjire Marko Djuric.

Labada Wasiir ayaa ka wada-hadlay xalaadaha guud ee labadda dal Siyaasadda Caalamka, Amniga iyo dhaqaalaha. Soomaaliya iyo Serbia ayaa xiriirkooda saaxiibtinimo uu sii marayaa muddo 65 sano ah. “Waxaan xoojin doona kor u qaadidoona xiriirkeena wadaagga ah” ayuu yiri Danjire Axmed Fiqi Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Related posts

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

October 11, 2025
Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

October 11, 2025

Danjire Axmed Macalim Fiqi ayaa muujiyey sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah ee Quruumaha dunidda oo idil, iyadoo mar walba mudnaan gaar ah la siinayo dalalka saaxiibtinimadoodu mudadda dheer ee ay soo jirtay.

Danjire Marko Djuric Wasiirka Arimaha Dibada Serbia ayaa boogaadiyay horumarka dhanka Diplomaasiyadda iyo Siyaasadda ee dhexdhexaad ka ah ee Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ka qaadato danaha is diidan ee yaala Golayaasha Caalamka.

Sidoo kale Wasiirka Arimaha Dibada Serbia ayaa balan qaaday inay dowladdiisu taageero la garab taagantahay dowladda Soomaaliya, “mar walba Somalia waxay noo tahay saaxiib gaar ah waxaan rumeysannahay inaan wax badan wada-qabsan karo” ayuu yiri Marko Djuric.

Ugu dambeyn, laba Wasiir ayaa isla gartay in booqashooyin rasmi ah isweydaarsadaan, si loo balaariyo fursadaha jira si loga wada faa’iideysto Arimaha dhaqaalaha amniga iyo Tiknoolajidda.

 

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray jiidaha hore ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Next Post

DFS oo u digtay shacabka Degmada Jilib, baaqna u dirtay

Next Post
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

DFS oo u digtay shacabka Degmada Jilib, baaqna u dirtay

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Howlaha Guud,...

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa soo dhoweeyay heshiiska nabadda ee Gaza, waxayna ammaaneen dadaallada gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee...

Xildhibaannada Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh ku ansixiyey Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka iyo Caruurta Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS oo gudanaya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In