Tuesday, July 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

DFS oo u digtay shacabka Degmada Jilib, baaqna u dirtay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa qiimeyn ku sameyneysa khasaaraha ballaaran ee Khawaarijta lagu gaarsiiyay Degmada Jilib markii Ciidamada Qalabka Sida iyo saaxiibada caalamiga ay beegsadeen goobo ay halkaasi argagixisadu ku lahayd, lagana soo maleegayey shirqoolada iyo dhibaateynta shacabka.

Cadowga Khawaarijta ayaa sida la rumeysan yahay jab xooggan kala kulmey weerarkaasi, iyagoo si dadban u qiraya jabkaasina ay xubno ka tirsan argagixisada ka soo muuqdeen baraha bulshada.

Related posts

Wasiirka Qoyska XFS oo saxiixday buugga tacsida ee Amiirkii hore ee Qatar

Wasiirka Qoyska XFS oo saxiixday buugga tacsida ee Amiirkii hore ee Qatar

July 14, 2026
Safiirka Soomaaliya ee Sweden oo booqasho tacsiyeed ku tegay Safaaradda Qatar ee Stockholm

Safiirka Soomaaliya ee Sweden oo booqasho tacsiyeed ku tegay Safaaradda Qatar ee Stockholm

July 14, 2026

Sida la xaqiijiyay ma jirin dad rayid ah oo wax ku noqday weerarkii Jilib.

Weerarka ka dhacay Jilib ayaa qeyb ka ah hawlgalo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay ku beegsaneyso haraadiga kooxaha argagixisada ee ku dhuumaaleysanaya meelo kooban oo dalka ka mid ah.

Shacabka ku nool Degmada Jilib iyo goobaha kale ee argagixisadu gabbaadka ka dhiganayaan ayaa waxaa mar kale loogu baaqayaa inay ka fogaadaan goobaha cadowga lagu beegsanayo si loo baajiyo khasaare dadka rayidka soo gaara.

Ciidamada Qalabka Sida ayaa guulo badan ka soo hoyay dhowaan dagaallada lagu ciribtirayo Khawaarijta, iyadoo Degmada Jilib oo argagixisadu ka soo maleegaan shirqoolada nabadda lagu carqaladeynayo ay bartilmaameed koowaad u tahay Ciidamada Dowladda.

Previous Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo dhiggiisa Serbia kala hadlay xiriirka labada dal

Next Post

Tartamayaasha Ceelbuur oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka

Next Post
Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Tartamayaasha Ceelbuur oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka

Wasiirka Qoyska XFS oo saxiixday buugga tacsida ee Amiirkii hore ee Qatar

Wasiirka Qoyska XFS oo saxiixday buugga tacsida ee Amiirkii hore ee Qatar

July 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta ku saxiixday buugga...

Safiirka Soomaaliya ee Sweden oo booqasho tacsiyeed ku tegay Safaaradda Qatar ee Stockholm

Safiirka Soomaaliya ee Sweden oo booqasho tacsiyeed ku tegay Safaaradda Qatar ee Stockholm

July 14, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Boqortooyada Sweden Cabdikariin Maxamed ayaa booqasho tacsiyeed ku tagay Safaaradda Dowladda Qatar ee Stockholm,...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kulan la qaadatay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Pakistan

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kulan la qaadatay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Pakistan

July 14, 2026
0

Islamabad, Pakistan – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta...

DfS oo Golaha ECOSOC ku soo bandhigtay horumarka ay ka gaartay dhaqaalaha, amniga

DfS oo Golaha ECOSOC ku soo bandhigtay horumarka ay ka gaartay dhaqaalaha, amniga

July 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdi Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa khudbad rasmi...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In