Monday, August 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Biixi oo kulan la qaatay Madaxda Sare ee Sanduuqa horumarinta dhaqaalaha Carabta 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
1 year ago
in Wararka
0
Wasiir Biixi oo kulan la qaatay Madaxda Sare ee Sanduuqa horumarinta dhaqaalaha Carabta 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo maalmahan safar shaqo ku joogay dalka Kuwait, ayaa waxa uu kulamo miro-dhal ah la qaatay masuuliyiin Dowladeed iyo qaar ka mid ah madaxda Hey’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha maalgalinta, Wasiirka iyo wafdigisu waxa ay kulan gaar ah la qaateen madaxda Sanduuqa Horumarinta Dhaqaalaha Carabta ee Kuwait, kulan kaas oo diiradda lagu saaray sidii loo helilahaa maalgalin ku saabsan ilaha dhaqaalaha dalka iyo hannaanka dib-u-haneynta Maaliyadda dalka oo Dowladda Kuwait ay hore gacan balaaran uga gaysatay.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga wada hadlay fursada maalgalineed ee u baahan in iskaashi gaar ah laga yeesho iyada oo diiradda la saarayo maalgalinta ilaha wax soo saarka bulshada Soomaaliyeed ay aadka u danaynayaan di dhaqaalaha gudaha dalka uu sare ugu koco.

Related posts

Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga Dalalka Islaamka ee Ciidamada La-dagaallanka Argagixisada oo casho lagu maamuusay

Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga Dalalka Islaamka ee Ciidamada La-dagaallanka Argagixisada oo casho lagu maamuusay

August 23, 2026
Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka oo ka dooday sharuucda hortaala Guddiga

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka oo ka dooday sharuucda hortaala Guddiga

August 23, 2026

Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa mahadcelin kadib waxa uu tilmaamay in Sanduuqani uu door muhiim ah kulahaa in Dowladda Soomaaliya ay gaarto bartii kama dambeysta ee hannaankii deyn caginta, sidoo kale Mudane Wasiir Biixi ayaa sheegay in kulanka ay hada la yeesheen Agaasimaha Guud ee Kuwait Fund Mr. Waleed Shamlan Al-Bahar ay warbixin guud ka siiyeen heerka maaliyadeed ee maanta ay taagan yihiin kadib deyn cafintii iyo qorshe yaasha maalgalineed ee Dowladda Soomaaliya ay mihiimadda siinayso.

Sanduuqa Horumarinta Dhaqaalaha Carabta ee Kuwait waxa uu ka mid yahay Saaxibada sida joogtada ah uga qeyb qaatay safarkii Dowladda Soomaaliya ee dib-u-habeynta Dhaqaalaha iyo hagaajinta hannaanka Maaliyadeed ee dalka.

Previous Post

Wasiir Beene-beene oo la kulmay Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya

Next Post

Golaha Wasiirrada oo bogaadiyeen howlgallada dalka looga sifeynayo khawaarijta 

Next Post
Golaha Wasiirrada oo bogaadiyeen howlgallada dalka looga sifeynayo khawaarijta 

Golaha Wasiirrada oo bogaadiyeen howlgallada dalka looga sifeynayo khawaarijta 

Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga Dalalka Islaamka ee Ciidamada La-dagaallanka Argagixisada oo casho lagu maamuusay

Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga Dalalka Islaamka ee Ciidamada La-dagaallanka Argagixisada oo casho lagu maamuusay

August 23, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu wehelinayay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka oo ka dooday sharuucda hortaala Guddiga

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka oo ka dooday sharuucda hortaala Guddiga

August 23, 2026
0

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shir ku yeeshay Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee...

Dardargelinta howlaha hor-tebinta u leh Baarlamaanka oo laga wada hadlay

Dardargelinta howlaha hor-tebinta u leh Baarlamaanka oo laga wada hadlay

August 23, 2026
0

Waxaa soo gaba gaboobay wadahadalo u dhaxeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐨𝐫𝐦𝐞𝐞𝐫 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐤𝐮 𝐭𝐚𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐱-𝐪𝐚𝐛𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝟐𝟎𝟐𝟐-𝟐𝟎𝟐𝟔

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐨𝐫𝐦𝐞𝐞𝐫 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐤𝐮 𝐭𝐚𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐱-𝐪𝐚𝐛𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝟐𝟎𝟐𝟐-𝟐𝟎𝟐𝟔

August 23, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer shaqo ku tagay Xarunta Diyaarinta Warbixinta Wax-qabadka Xukuumadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In