Wednesday, July 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul-wasaare Xamsa iyo Safarka Midnimada iyo Nabada (WARBIXIN)

Idman Yahye by Idman Yahye
April 13, 2025
in Wararka
0
Ra’iisul-wasaare Xamsa iyo Safarka Midnimada iyo Nabada (WARBIXIN)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO(LAASCAANOO): Shalay oo Sabti aheyd Taariikh-duna aheyy 12/4/2025-ka waxaa magaalada laascaanood oo ah caasimada Maamulka Khaatumo state tegay Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyada Faderaalka Soomaaliyeed Mudane Xamsa Cabdi Bare, iyadoo gaaritaankiisa ay ka dhigneyd mid taariikhiya, kaasi oo la magic baxay Safarka Midnimada.

Kadib 56 sano guuradii ka so wareegtay dilkii foosha xumaa ee magalada laascaano loogu geystay Madaxweynihii labaad ee wakhtiga talada dalka hayey AUN Cabdirishiid Cali Sharmaake,  waxaana markii labaad uu booqasho ku tagey Madaxweynihii dowladdii kacaanka aheyd isna AUN Jaalle Mahamed Siyaad Barre, taasi oo ka dhigan in Ra’isaal wasaare xamse yahay masuulkii seddexaad ee xil sare ka jooga dalka oo booqasho ku taga magalada laascaanood.

Related posts

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025

Halgan ku bilowday kacdoon bulsho mudaharaadyo iyo dhagax tuur, isku bedelay xinjiro dhiiga ah maanta laascaanood waxay ku naalooneysaa guul weyn.

MUHIIMADDA SAFARKA rAIISUL-WASAARAHA.
1: Shacabka reer khatumo oo heli kara Midnimadii iyo madax banaanidii ay u soo dagaalameen.
2. Mashaariic horumarin ah in laga dhiso, hey’ado dowlda kaabayaashaan dhaqaalaha. in lagu garab is taago taakuleynta ciidanka iyo mushaharkooda.
3. Dhagax dhigga Garoonka diyaarada laascaanood, islamarkaana la casriyeeyo, dib u habeyna lagu sameeyo.

SIDEE LOO SOO DHAWEEYAY MUDANE XAMSA?

“Farxadda dadka reer Laascaanood Wejiyadooda ka muuqata, soo dhoweynta gobonimada maamuuska leh ee dawladnimo jaceylku ku dheehan tahay waxay ahaayeen sumadda soo dhoweynta Ra’iisul-wasaaraha iyo wafdigiisa la siiyey. Hoyga Midnimada iyo gobonimada ayaan soo gaarnay, lama qiyaasi karo isku hilowga ay isu qabaan Dad derbiyadii lagu ooday dumiyey oo dowladdoodii u furmay iyo dowlad heshay Dadkeedii mufdada dheer la isku diiday”, sidaasi waxaa yiri mudane Axmed Macallim Fiqi, Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS.

“Samada ayaa soo dhaweynta qeyb ka aheyd oo daqiiqado ka gadaal markii aan soo degnay ayaa roobkii gugu curtay oo korkeena ku hooray- khayr ilaahay isla doontay iyo saacatu ijaaba, dhinac kastoo laga eego bogaadin iyo mahad ballaaran ha idin sugnaato reer SSC Khaatumo Madax, Maamul iyo Shacabweyneba”, ayuu sii raaciyay Mudane Fiqi.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo Wafdi uu hogaaminayo oo shalay ka degay magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, ayaa ah booqasho Taariikhi ah oo mas’uul Dowladda Dhexe ka tirsan uu booqdo magaalada Laascaanood.

Ra’iisul wasaaraha ayaa garoonka waxaa ku soo dhoweeyay Madaxweynaha maamulka SSC Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Aw ali Firdhiye iyo qaar kamid ah Golihiisa wasiirada iyo Bulsha weynta magaalada Laascaanood ee aroornimadii shalayba lagu sii diyaariyay Garoonka Diyaaraha ee Magaalada Laascaanood, isagoo si kooban dadka goobta kula hadlay waxaana uu muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay inuu booqashadaan Taariikhiga ah uu ku tago Magaaladaasi oo ka soo kabanaysa colaado in muddo ah heystay, wuxuuna maalmaha soo socda uu baaqi ku sii ahaan doono Ra’iisul wasaare Xamse magaalada Laascaanood, halkaasi uu kulamo kula leeyahay Madaxda SSC Khaatumo iyo wax garadka degaannadaasi.

Wasiirka Warfaafinta SSC Khaatumo ayaa ku tilmaamay booqashada Ra’iisul wasaaraha uu ku tagay magaalada Laascaanood inay maalin weyn u tahay reer Khaatumo waxaana uu xusay inuu soo gababobay 30 sano gooni goosadkii la damacsanaa iyo kala gooynta Soomaalida waxaana uu sheegay in tani ay tahay mid abuureysa midnimada Soomaaliyeed.

” Wuxuu Ra’iisul-wasaaraha u tegay Laascaanood in uu soo abuuro meel loga wada hadli karo khalalaasihii ka dhacay halkaasi oo aan wali la xallin”, sidaasi waxaa yiri:- Dr. Xasan Sheekh Maxamud Madaxweyanaha Jamhuriyadda, isgoo ka hadlaayay Madasha Madasha Diblumaasiyadda Antalya ee Dalka Turkiga ayuu sheegay in Somaliland ay tahay gobol ka mid ah Soomaaliya.

Waxaan arkay ilaa shalay xilli dambe in hadalkan Madaxweynaha ay Dad awalba ka bukay kana xanuunsanayay in Ra’iisaulaha XFS mudane Xamsa Cabdi Barre uu tago maamulka cusub ee Khaatumo oo haatan la damacsan yahay in dhidibada loo taago, si aysan u dhicin ama u dhalan wax la yiraahdo (khatumo state of Somalia) inay hadalkan ka dhigteen hill una rogeen dhan kale, iyagoo saaray tafsiir ka soo go’ ay Kal daciifa iyo laab Bukta, balse hadalka Madaxwynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ee ah in Ra’iisul-wasaaraha halkaa u tagey in la helo xal ah, lagana wada hadlo khilaafkii halkaa ka dhacay oon wali la xalin.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay magaalada Laascaanood kulan muhiim ah kula yeeshay Isimada deegaannada SSC-Khaatumo, kaasi ayaa diirradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa midnimada iyo geeddi-socodka nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo xasilloonida dalka, isaga oo ka dhageystay tallooyin dhaxal-gal ah oo ku aaddan dib-u dhiska dalka, iyo sidii deegaannada SSC-Khaatumo looga hirgalin lahaa hey’addaha dowladda ee bulshada soo gaarsiiya adeegyada muhiimka ah ee ay u baahan yihiin, isagoo uga mahadceliyey Isimada doorkooda muhiimka ah ee ku aaddan nabadaynta iyo midnimada, waxaa uuna adkeeyey sida ay Xukuumaddiisu mudnaan gaar ah u siineyso xoojinta hey’adaha dowladda iyo ilaalinta midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta SSC khaatumo ka dhagax Dhigaya mashaariic horumarineed oo muhiim u ah horumarka deegaanka, taasi oo qeyb ka ah qorshaha Safarka Midnimada ee uu Ra’iisul Wasaaruhu ku joogo magaalada Laascaanood.

CABDULLAAHI RUUSH.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Laascanood ka dhagax Dhigaya mashaariic horumarineed

Next Post

Culimad Gobolka Hiiraan oo gurmad gaarsiiyay ciidanka Qaranka ee ku sugan furimaha dagaalka

Next Post
Culimad Gobolka Hiiraan oo gurmad gaarsiiyay ciidanka Qaranka ee ku sugan furimaha dagaalka

Culimad Gobolka Hiiraan oo gurmad gaarsiiyay ciidanka Qaranka ee ku sugan furimaha dagaalka

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025
0

 Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

July 2, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay...

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka oo ka warbixiyay diyaarad kusoo dhacday Garoonka Aadan Cadde

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka oo ka warbixiyay diyaarad kusoo dhacday Garoonka Aadan Cadde

July 2, 2025
0

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in diyaarad nooca Helicopter...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In