Sunday, January 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Al-Cadaala: “Meydadka Khawaarijta ayaa daadsan Wargaadhi”.

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
9 months ago
in Wararka
0
Wasiir Al-Cadaala: “Meydadka Khawaarijta ayaa daadsan Wargaadhi”.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, ayaa si adag uga hadlay guulaha ay ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, gaar ahaan howlgalka ka dhacay deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wasiir Al-Cadaala ayaa sheegay in saakay Khawaarijta lagu jabiyay deegaanka Wargaadhi, isagoo tilmaamay in meydadkooda ay daadsan yihiin goobtaasi. Wuxuu sidoo kale sheegay in kooxdaasi aysan mustaqbal ku lahayn Soomaaliya, isla markaana ay yihiin naf la caarin aan u turayn dadka iyo dalka.

Related posts

Ciidamada Qaranka oo soo bandhigay maydadka Khawaarijtii lagu laayay Shabeellada Dhexe

Ciidamada Qaranka oo soo bandhigay maydadka Khawaarijtii lagu laayay Shabeellada Dhexe

January 18, 2026
Munaasabadda caleema saarka madaxweynaha Waqooyi Bare oo lagu qabanayo Laascaanood

Shacabka gobollada dhexe oo rajo ka muujiyay dhismaha Maamulka Waqooyi Bari, hambalyeeyayna hoggaankiisa cusub

January 18, 2026

Wasiirku wuxuu xusay in howlgalladii ugu dambeeyay ee ciidamada ay fuliyeen ay ahaayeen kuwa lagu burburinayay saanadooda iyo hubkooda, sidoo kalena lagu joojiyay isku socodkodkoida. Wuxuu sidoo kale sheegay in la burburiyay isbaarooyin ay Khawaarijtu lacago baad ah uga qaadi jireen shacabka, gaar ahaan waddada xiriirisa Muqdisho iyo Baydhabo.

Wasiir Al-Cadaala ayaa ugu dambeyn sheegay in dowladda ay guul weyn ka gaartay howlgalka wajiga koowaad, islamarkaana todobaadyada soo socda ay dhici doonaan howlgallo xooggan oo ka dhan ah Khawaarijta.

Previous Post

Ciidamada Qaranka oo khasaare ba’an ku gaarsiiyay Khawaarijta Degaanka Wargaadhi

Next Post

Soomaaliya oo la wareegtay hoggaanka Madasha Iskaashiga Geeska Afrika 

Next Post
Soomaaliya oo la wareegtay hoggaanka Madasha Iskaashiga Geeska Afrika 

Soomaaliya oo la wareegtay hoggaanka Madasha Iskaashiga Geeska Afrika 

Ciidamada Qaranka oo soo bandhigay maydadka Khawaarijtii lagu laayay Shabeellada Dhexe

Ciidamada Qaranka oo soo bandhigay maydadka Khawaarijtii lagu laayay Shabeellada Dhexe

January 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLAHA DHEXE):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay maydadka tiro ka mid ah Khawaarijta iyo hub fara badan oo...

Munaasabadda caleema saarka madaxweynaha Waqooyi Bare oo lagu qabanayo Laascaanood

Shacabka gobollada dhexe oo rajo ka muujiyay dhismaha Maamulka Waqooyi Bari, hambalyeeyayna hoggaankiisa cusub

January 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Shacabka ku nool gobollada Hiiraan, Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo ayaa ka hadlay sida ay u soo dhaweynayaan dhismaha Maamulka Waqooyi...

Geesiyaasha Qaranka oo ka hortagay dhagar ay damacsanaayeen Khawaarijta

Geesiyaasha Qaranka oo ka hortagay dhagar ay damacsanaayeen Khawaarijta

January 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLADA DHEXE):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyada Khawaarijta Al-Shabaab ku soo qaadeen deegaanka Jabad Godane ee...

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari

January 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Safaaradda Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ayaa hambalyo diirran u dirtay hoggaanka iyo shacabka Soomaaliyeed kaddib caleemo-saarkii guuleystay ee Madaxweynaha Dawladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In