Tuesday, May 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjire Jabriil oo dhiirigaliyay Ganacsatada Soomaaliyeed ee Eldoret

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Danjire Jabriil oo dhiirigaliyay Ganacsatada Soomaaliyeed ee Eldoret
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Magaalada Eldoret oo ah magaalo ku dhacda Gobolka Rift Valley, hoostimaadana Gobolka Uasin Gishu ee dalka Kenya ayaa waxaa ku nool Jaaliyad balaaran oo Soomaaliyeed.

Magaaladan oo ah magaalada shanaad ee ugu weyn dalka Kenya ayaa waxa ganacsigooda inta badan ku tiirsan yahay ganacasiga dadka Soomaalida.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ahna isku duwaha Hay’adaha Qaramada Midoobay

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ahna isku duwaha Hay’adaha Qaramada Midoobay

May 4, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo furay Tababar ku saabsan Ka Hortagga tabinta Hadallada Naceybka ee xilliyada Doorashooyinka

Wasiirka Warfaafinta oo furay Tababar ku saabsan Ka Hortagga tabinta Hadallada Naceybka ee xilliyada Doorashooyinka

May 3, 2026

Magaaladan oo ah magaalada uu ka soo jeedo Madaxweynaha dalka Kenya ayaa Ganacsatada Soomaaliyeed waxa ay shaqaaleysiiyeen kumanaan kun oo dadka ku nool magaalada Eldoret iyo nawaaxigeeda.

Danjiraha Soomaaliya iyo xubno ka tirsan diblomaasiyiinta Safaraadda Soomaaliya ayaa booqasho isugu jirta xogwareysi iyo dhiigalin ugu tagay guud ahaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ganacsatada Soomaaloyeed ee ku dhaqan magaalada Eldoret.

Danjire Jabril Ibrahim Cabdulle ayaa booqasho socod ah ku maray suuga weyn ee loo yaqaano, Islii-Yareey. Suaqaan ayaa ah suuqa ugu weyn oo ay dadka Eldoret ka dukaameystaan.

Danjiraha ayaa sidoo kale waxa uu soo booqday, xarumaha waaweyn ee ganacsiga ee ku yaalo Magaalada. Dadka Soomaaliyeed ayaa waxa ay ka dhoofiyaan magaalada Eldoret shidaalka kaas oo la geeyo dalalka Suudaan, South-Sudan, Rwanda iyo dalka DRC-Congo. Waxa kaloo ay dhoofiyaan badeecooyinka noocyadooda oo kale.

Dadka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale waxa ay ku dhaqdaan degaanka Eldoret xoolaha, sida Geela, Ariga iyo Lo’da. Waxa kaloo ay leeyiihiin beero waaweyn oo soo saara tabaca Beeraha.

Gagagabadij, Habeenkii xalay ayaa xaflad isugu jirtay; Xog-wareysi, kala warqaadasho iyo soo dhaweeyn loo qabtay Danjiraha iyo wafdigii la socday.

Danjiraha ayaa ka warbixiyay horumarka balaaran oo ay sameeysay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, xiriirka u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya oo marayo halkii ugu wanaagsanaa iyo dadaallada Safaraadda Soomaaliya ku garab taagan tahay dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya.

Madaxda iyo hogaanka dadka Soomaalida ee ku dhaqan Magaalada Eldoret ayaa dhankooda uga mahadceliyay Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Mudane Jabril Ibrahim Abdulle Safarka uu ku yimid Magaalada Eldoret, iyaga oo sheegay in ay tahay markii ugu horeysay oo uu mas’uul Soomaaliyeed soo booqdo Jaaliyadda. Taas oo aad u farxadgelisay dadka Soomaalida ee ku nool Magaalada Eldoret.

Madaxda Jaaliyadda ayaa u soo gudbiyay Safaaradda culaysyo ka heysta dhinaca safarka iyo ganacsigooda. Labada dhinac ayaana isla-gartay in la magacaabo gudi joogteeya xiriirka Jaaliyadda iyo Safaaradda.

Danjire Jabril ayaa uga mahadceliyay madaxda ugu sareysa Gobolka, gaar ahaan madaxda Magaalada Eldoret sida muga leh ay u soo dhaweyeen isaga iyo wafdigiisa

Previous Post

Madaxweyne Laftagareen oo booqasho ku tagay furimaha hore ee dagaalka ee degaannada maamulka Koonfur Galbeed

Next Post

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulan la qaatay Guddiga Madaxabannaan Ee Doorashooyinka Qaranka

Next Post
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulan la qaatay Guddiga Madaxabannaan Ee Doorashooyinka Qaranka

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulan la qaatay Guddiga Madaxabannaan Ee Doorashooyinka Qaranka

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ahna isku duwaha Hay’adaha Qaramada Midoobay

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ahna isku duwaha Hay’adaha Qaramada Midoobay

May 4, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daud Aweis Jama ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka...

Wasiirka Warfaafinta oo furay Tababar ku saabsan Ka Hortagga tabinta Hadallada Naceybka ee xilliyada Doorashooyinka

Wasiirka Warfaafinta oo furay Tababar ku saabsan Ka Hortagga tabinta Hadallada Naceybka ee xilliyada Doorashooyinka

May 3, 2026
0

Aqoon-isweydaarsigan oo soconaya muddo laba maalmood ah waxaa ka qayb galaya in ka badan 35 suxufi oo ka kala socda...

Dowladda Soomaaliya oo Xoojinaysa Iskaashiga dhanka Istiraatiijiga ah oo ay la leedahay Hoggaanka UNDP.

Dowladda Soomaaliya oo Xoojinaysa Iskaashiga dhanka Istiraatiijiga ah oo ay la leedahay Hoggaanka UNDP.

May 3, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Xamza Haadow, ayaa qaabilay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada...

Qaar kamid ah Wakiillada Beesha Caalamka oo soo dhaweeyay gogasha wadatashiga ee uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh

Qaar kamid ah Wakiillada Beesha Caalamka oo soo dhaweeyay gogasha wadatashiga ee uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh

May 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiiska Qaramada Midoobay ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (UNTMIS) iyo Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska ayaa soo dhoweeyay martiqaadka Dowladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In