Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Madaxa Xafiiska Hey’adda ICRC ee Soomaaliya Mudane Antoine Grand.
Duqa Muqdisho iyo Madaxa Hey’adda ICRC ayaa ka wada hadlay dar-dargelinta shaqooyinka iyo mashaariicyada horumarineed oo ay ICRC ka fuliso Magaalada Muqdisho iyo sidii la isaga kaashan lahaa wax ka qabashada xaaladaha deg-degga ee ka dhaca Gobolka Banaadir, iyadoona la isla qaatay xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta labada dhinac.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa kaga mahadceliyay Hey’adda ICRC iyo Bisha Cas doorka ay ka qaataan howlaha bini’aadannimada, taageerida dhinacyada Caafimaadka iyo fulinta mashaariicyada horumarin⁸eed.