Wednesday, March 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir-dowlaha Beeraha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb-galay shirka IFAD

Idman Yahye by Idman Yahye
10 months ago
in Wararka
0
Wasiir-dowlaha Beeraha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb-galay shirka IFAD
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO: Wasiir-dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Mudane Asad Cabdirisaaq Maxamed, oo hoggaamiya wafdiga rasmiga ah ee dowladda Soomaaliya ee uga qeyb-galaya shirka ( IFAD Innovation Day 2025)  oo ay soo agaasintay Sanduuqa Caalamiga ah ee Horumarinta Beeraha ee IFAD. Kulankaan oo sanadle ah ayaa lagu soo bandhigaa hal-abuurada guulaystay sanadkaas gaar ahaan kuwa saamaynta ku leh wax soosaarka cuntada dunida.

Qeyb ka mid ah kulanka waxaa diiradda lagu saarayaa hal-abuurka ay dowladuhu hormuud ka ka yihiin, gaar ahaan dalalka nugul, waxaana Wasiir-dawluhu furay doodda “Government-Led Innovation in Fragile Contexts” isaga oo carrabka ku adkeeyay in hogaaminta xukuumaddu, marka ay ka amba-qaaddo baahida bulshada isla markaana ay la shaqeyso, la-hawlgalayaasha iyo khubarada caalamiga ah, ay horseedi karto isbadel muuqda oo xoojiya adkeysiga nidaamyada cuntada iyo kobaca dhaqaalaha dalalkaas.

Related posts

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

March 25, 2026
Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

March 25, 2026

Wasaaradda Beeraha & Waraabka waxay sidoo kale kasoo muuqatay dhammaan wejiyada shirweynaha sida dood-furan la xiriirtay doorka dowladuhu ku leeyihiin kobcinta hal-abuurka xilliyada nuglaanta iyo Bandhiga Marketplace-ka IFAD oo ay Xarunta Hal-abuurka Wasaaradda ee CIAD kusoo bandhigtay hal-abuuradi iyo fikradihi guulaystay ee ay taageereen barnaamijyada iyo mashaariicda Wasaaradda sida mashruuca RLRP.

Previous Post

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo si rasmi ah u furtay Imtixaanka Qoraalka Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Next Post

Danjiraha JFS ee dalka Yemen oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo u gudbiyay wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalkaasi

Next Post
Danjiraha JFS ee dalka Yemen oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo u gudbiyay wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalkaasi

Danjiraha JFS ee dalka Yemen oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo u gudbiyay wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalkaasi

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

March 25, 2026
0

Boqolaal qoys oo ka mid ah dadka ay saameysay abaarta daran ayaa gargaar biyo dhaamin ah laga gaarsiiyay deegaanno hoostaga...

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

March 25, 2026
0

Arday Soomaaliyeed ayaa guul taariikhi ah ka gaaray tartan caalami ah oo lagu qabtay dalka Shiinaha, iyagoo matalayay magaca iyo...

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

March 24, 2026
0

Cabdisalaam Maxamed Xasan, Cabdullahi Cusmaan Maxamed, Cabdinaasir Cumar Axmed Subeyr, Faadumo Cismaan Subeyr Cali iyo Leylo Seef Faarax Axmed, Ayaa...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

March 24, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye-Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Taliyaha Taliska Hawlgallada Gaarka ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In