Wednesday, June 4, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluug oo si rasmi ah u saxiixay xeer-nidaamiye cusub

Idman Yahye by Idman Yahye
June 1, 2025
in Wararka
0
Wasiirka Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluug oo si rasmi ah u saxiixay xeer-nidaamiye cusub
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Ururrada Bulshada Rayidka ah

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Ururrada Bulshada Rayidka ah

June 3, 2025
Soomaaliya oo ka qeybgalaysa Shirweynaha Shaqaalaha Caalamiga ah ee ILO

Soomaaliya oo ka qeybgalaysa Shirweynaha Shaqaalaha Caalamiga ah ee ILO

June 3, 2025

RADIO MUQDISHO: Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay xeer-nidaamiye cusub oo lagu dhisayo hay’ad u gaar ah ilaalinta badqabka kalluunka iyo sugnaanta cuntada ee dalka Soomaaliya.

Xeerkan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo habraacyada iyo nidaamyada lagu maamulayo kheyraadka kalluunka, si loo hubiyo in kalluunka la helo uu yahay mid tayo leh, caafimaad qaba, islamarkaana ku habboon suuqyada gudaha iyo dibadda. Hay’adan cusub ayaa kaalin mug leh ka qaadan doonta ilaalinta badqabka kalluunka, iyada oo sare u qaadaysa kalsoonida macaamiisha iyo ganacsatada.

Xeerkani wuxuu sidoo kale xoogga saarayaa suuqgaynta kalluunka Soomaaliyeed, dhoofintiisa, iyo kobcinta dhaqaalaha dalka. Soomaaliya oo hodan ku ah khayraadka badda ayaa fursad weyn u leh in ay ka faa’iideysato suuqyada caalamiga ah ee kalluunka, iyadoo hay’ada dhowrista badqabka kalluunka ay kaalin weyn ka qaadan doonto hagaajinta iyo tayeynta dhoofka kalluunka. Tani waxay horseedi doontaa in dhoofka kalluunka uu noqdo mid xeer iyo sharci ku saleysan, laguna kalsoonaan karo, taasoo kor u qaadi doonta sumcadda kalluunka Soomaaliyeed iyo dakhliga laga helo.

Guud ahaan, xeerkan cusub ayaa dhiirrigelinaya kobaca dhaqaalaha dalka ee kasoo xaroon doona dhoofka kalluunka, isagoo abuuraya jawi ganacsi oo sharciyeysan, hufan, isla markaana ilaalinaya badqabka cuntada. Hay’adan dhowrista badqabka kalluunka ayaa sidoo kale la filayaa inay kor u qaado xirfadaha shaqaalaha kalluumaysiga iyo maamulka, isla markaana gacan ka geysato ilaalinta deegaanka badda, si kalluunka Soomaaliyeed uu mustaqbalka u noqdo mid waara oo faa’iido badan u leh bulshada Soomaaliyeed.

Previous Post

Madaxweynaha JFS oo si rasmi ah ugu dhawaaqay Gogosha Wadatashiga Siyaasiinta iyo Hoggaamiyeyaasha

Next Post

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐥𝐚𝐟𝐚-𝐠𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐀𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐗𝐚𝐬𝐢𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

Next Post
𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐥𝐚𝐟𝐚-𝐠𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐀𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐗𝐚𝐬𝐢𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐥𝐚𝐟𝐚-𝐠𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐀𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐗𝐚𝐬𝐢𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Ururrada Bulshada Rayidka ah

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Ururrada Bulshada Rayidka ah

June 3, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku kulmay qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka...

Soomaaliya oo ka qeybgalaysa Shirweynaha Shaqaalaha Caalamiga ah ee ILO

Soomaaliya oo ka qeybgalaysa Shirweynaha Shaqaalaha Caalamiga ah ee ILO

June 3, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yusuf Mohamed, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Ingiriiska

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Ingiriiska

June 3, 2025
0

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Safiirka Cusub ee Boqortooyada Ingiriiska u...

Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay shabakad khawaarij ah

Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay shabakad khawaarij ah

June 3, 2025
0

Cabdinaasir Maxamed Xasan, afgaradiisuna tahay Macallim Xaaji ayaa lagu eedeeyay in uu khawaarijta u sameyn jiray gaadiidka ay qaraxyada ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In