Cabaas Maxamed Hool, oo ahaa horjoogaha ugu sarreeya ee shirqoolada iyo dhagaraha ay khawaarijtu ka fuliyaan bobolka Banaadir iyo labada Shabeelle ayaa u geeriyooday dhaawacyo halis ah oo ay horay u gaarsiiyeen ciidanka XDS, sida lagu sheegay war-saxafadeed kasoo baxay dowadda Soomaaliya.
War- saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dhagarqabahan uu Khawaarijta uga biiray sanadkii 2007 magaalada Muqdisho, wuxuuna si toos ah ugu lug lahaa weerarro arxan darro ah oo lagu beegsaday dadka shacabka ah ee ku nool caasimadda.
Cabaas Hool wuxuu ka mid ahaa horjoogayaasha khawaarijta ee bartilmaameedka u ah ciidanka qalabka sida, kuwaas oo sirdoonka Soomaaliya uu hayo xogtooda oo dhamaystiran.
Horjoogayaasha khawaarijtu ma jirto meel ay ugu baxsan karaan gacanta ciidanka qalabka sida iyo cadaaladda, kuwaas oo caadeystay daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed.