Friday, October 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Cali Xoosh oo bogaadiyey doorka Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
June 19, 2025
in Wararka
0
Wasiir Cali Xoosh oo bogaadiyey doorka Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiisyo dhowr ah

October 9, 2025
Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

October 9, 2025

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, ayaa xalay casho sharaf ugu sameysay Muqdisho Guddiga Madaxa-bannaan ee doorashooyinka Qaran iyo Soohdimaha, ururrada Siyaasadda ee Diiwaangeshan iyo Xisbiyada Siyaasadda Puntland.

Kulan weynahan isbarashada iyo kala warqaadashada ahaa, waxaa ka hadlay masuuliyiinta ururrada Siyaasadda Diiwaangeshan iyo Xisbiyada Siyaasadda ee Puntland, iyaga oo ka hadlay ahmiyadda in doorashada dadban laga guuro oo lagu tartamo doorasho toos ah, hufan oo xor iyp xalaal ah, iyaga oo ku bogaadiyey Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wasiirkeeda Cali Xoosh shaqada laga qabtay xeerarka doorashada iyo guddigii ka dhashay oo maanta shaqeeya halka Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka ay ku ammaaneen shaqada wanaagsan ee ay hayaan.

Gudoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee doorashooyinka Qaran mudane Cabdikariin Axmed Xasan ayaa isna ka hadlay ururrada Siyaasadda ee ay diiwaangeliyeen, diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee socota iyo heerka diyaargarowga.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Mudane Cali Yuusuf Cali Xoosh waxaa uu bogaadiyey doorka Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaran iyo Soohdimaha iyo xisbiyada ka jira Puntland isaga oo intaa raaciyey in ururadda iyo xidbiyada ay ka wada shaqeeyaan wacyigelinta, marna ay tartamaan.

Waxuuna hoosta ka xariiqay in Doorashada toosan aan laga laabaneyn, taasi oo ah doorasho dadka dhexdiisa wax kasoo baxaan oo dadku noqdaan mid wax doorto ama la doorto oo ay kusoo baxaan dad haldoor ah.

Previous Post

Wasiir Al-Cadaala oo ka hadlay guulaha laga gaaray dagaalka khawaarijta

Next Post

Wasiiru dowlaha Waxbarashada oo ardayda Soomaaliyeed u rajeysay natiijo wanaagsan

Next Post
Wasiiru dowlaha Waxbarashada oo ardayda Soomaaliyeed u rajeysay natiijo wanaagsan

Wasiiru dowlaha Waxbarashada oo ardayda Soomaaliyeed u rajeysay natiijo wanaagsan

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiisyo dhowr ah

October 9, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu ansixiyey saddex heshiis oo ku saabsan...

Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

October 9, 2025
0

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda, kaasoo ay ka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Bogaadiyey Dib ula Wareegidda Maareynta Madaxa-bannaan ee Arrimaha Xuquuqda Aadanaha

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Bogaadiyey Dib ula Wareegidda Maareynta Madaxa-bannaan ee Arrimaha Xuquuqda Aadanaha

October 8, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey tallaabada ay Soomaaliya si buuxda dib ugula soo wareegtay hannaanka...

Guddoomiyaha SoDMA iyo Wasiirka Beeraha XFS oo ka wada hadlay dardargelinta Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar

Guddoomiyaha SoDMA iyo Wasiirka Beeraha XFS oo ka wada hadlay dardargelinta Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar

October 8, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle iyo Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In