RADIO MUQDISHO, 09-JULY-2025, Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mr. Wang Yu, iyaga oo kulanka ku lafaguray xoojinta iyo adkaynta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Shiinaha.
Intii uu socday kulanka, Safiirka ayaa carrabka ku adkeeyay sida ay dowladda Shiinuhu uga go’an tahay taageerada midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Soomaaliya, isagoo xusay in Shiinuhu ixtiraamayo qawaaniinta caalamiga ah ee si cad u qeexaya madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale, Safiirka ayaa Wasiirka la wadaagay in Dowladda Shiinuhu diyaarisay barnaamijyo isugu jira aqoon is-weydaarsi iyo aqoon kororsi, kuwaas oo lagu taageerayo howlaha miina baarista, tababarrada ciidanka iyo kor u qaadista xirfadaha iyo aqoonta Booliska Soomaaliyeed, kuwaas oo qeyb ka ah dadaallada Shiinaha ee lagu garab istaagayo horumarinta iyo tayeynta hay’adaha amniga ee Soomaaliya.
Wasiirka amniga gudaha ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Dowladda Shiinaha taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, tababarka iyo horumarinta awoodda hay’adaha amni. Wuxuu xusay in iskaashi buuxa oo laba geesood ah uu horseedi karo nabad waarta iyo xasillooni ka hanaqda guud ahaan dalka.