Friday, June 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay waddada 26-ka June

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
11 months ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay waddada 26-ka June
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO, 09-JULY-2025(MUQDISHO), Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay waddada 26-ka June ee isku xirta Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi ee degmada Hodan, taasi oo uu burbur xooggan kasoo gaaray roobabkii ka da’ay Magaalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in maalgalinta ugu weyn ee dhismaha waddadan ay ka imaanayso sanduuqa gobalka Banaadir, arrintaas oo ah mid ka dhalatay dib-u-habeyn maamul iyo mid maaliyadeed oo la sameeyay taas oo suurtogalisay in la beeqaamiyo dakhliga, waxa uuna guddoomiyuhu ballanqaaday in canshuurta shacabka caasimadda loo adeegsan doono fulinta mashaariicda horumarinta.

Related posts

WAR SAXAAFADEED: Ciidamada Dowladda oo howlgal ka fuliyay Masaajid Cali-guduud iyo Buq-aqable

WAR SAXAAFADEED: Ciidamada Dowladda oo howlgal ka fuliyay Masaajid Cali-guduud iyo Buq-aqable

June 3, 2026
Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

June 2, 2026

Munasaabadda dhagax-dhigga dhismaha waddadaan waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Md. Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud Md. Xasan Maxamed Jimcaale, Guddoomiyaha Degmada Hodan Md. Cali Fahle, Odayaal dhaqan, madaxda Shirkadda Docol oo dhismaha fulineysa iyo mas’uuliyiin kale.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan la qaatay boqollaal haweenka Soomaaliyeed ka mid ah

Next Post

Ciidanka Qaranka oo weearar culus kula wareegay fariisin ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaarijta

Next Post
Ciidanka Qaranka oo weearar culus kula wareegay fariisin ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaarijta

Ciidanka Qaranka oo weearar culus kula wareegay fariisin ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaarijta

WAR SAXAAFADEED: Ciidamada Dowladda oo howlgal ka fuliyay Masaajid Cali-guduud iyo Buq-aqable

WAR SAXAAFADEED: Ciidamada Dowladda oo howlgal ka fuliyay Masaajid Cali-guduud iyo Buq-aqable

June 3, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo qorsheysan oo ka kala dhacay deegaannada Masaajid...

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

June 2, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali Yaasin Gurbe, ayaa maanta ka qeyb galay shir heer sare ah...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

June 2, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya – 2 Juun 2026: Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa...

Xildhibaannada cusub ee KGS oo loo furay tababar la xariira Doorashooyinka

Xildhibaannada cusub ee KGS oo loo furay tababar la xariira Doorashooyinka

June 2, 2026
0

Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta magaalada Baydhabo loogu furay tababar lagu xoojinayo fahamkooda ku aaddan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In