Monday, September 1, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Senator Xasan Iidow oo ku guuleystay abaalmarin caalami ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
July 9, 2025
in Wararka
0
Senator Xasan Iidow oo ku guuleystay abaalmarin caalami ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa lagu qabtay munaasabad heer caalami ah oo lagu guddoonsiiyay Senator Xasan Iidow Muxumed (Kobac) abaalmarinta qiimaha badan ee “Humanitarian Visionary Award” oo ay bixiso Baarlamaanka Madaxa Bannaan ee Dhallinyarada Afrika (Independent Pan-African Youth Parliament).

Abaalmarintan ayaa lagu maamuusay dadaalka iyo hoggaaminta uu Senator Kobac ku muteystay kor u qaadidda nolosha beni’aadamka, samafalka, iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed, taasoo tusaale wanaagsan u ah hoggaamiyaha dhallinyarada Afrika.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira dhal ah la qaatay Madaxa Hay’adda Bisha Cas ee Qatar

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira dhal ah la qaatay Madaxa Hay’adda Bisha Cas ee Qatar

August 31, 2025
Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo iska diiwaan geliyay hay’adda NIRA ee Dhuusamareeb

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo iska diiwaan geliyay hay’adda NIRA ee Dhuusamareeb

August 31, 2025

Waxaa abaalmarinta si rasmi ah u guddoonsiisay Marwo Najmo, oo ah Madaxweynaha Baarlamaanka Dhallinyarada Afrika, iyadoo la dhageystay hadallo dhiirrigelin iyo bogaadin isugu jira oo ay ka jeediyeen madax iyo marti sharaf kale.

Munaasabadda waxaa kasoo qeyb galay Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle, Wasiirka Beeraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayar Maareeye iyo mas’uuliyiin kale oo heer caalami ah, kuwaasi oo ka marag kacay kaalinta muuqata ee Senator Xasan Iidow Muxumed (Kobac) uu ku leeyahay dhanka samafalka iyo adeegga bulshada.

 

Previous Post

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira-dhal ah la qaatay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Next Post

Wasiirka Shaqada XFS oo kulan la qaatay dhiggiiga dalka Itoobiya

Next Post
Wasiirka Shaqada XFS oo kulan la qaatay dhiggiiga dalka Itoobiya

Wasiirka Shaqada XFS oo kulan la qaatay dhiggiiga dalka Itoobiya

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira dhal ah la qaatay Madaxa Hay’adda Bisha Cas ee Qatar

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira dhal ah la qaatay Madaxa Hay’adda Bisha Cas ee Qatar

August 31, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdille, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Madaxa Hay’adda Bisha...

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo iska diiwaan geliyay hay’adda NIRA ee Dhuusamareeb

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo iska diiwaan geliyay hay’adda NIRA ee Dhuusamareeb

August 31, 2025
0

RADIO MUQDISHO(DHUUSAMAREEB):Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Cali Daahir Ciid ayaa maanta iska diiwaan-geliyey magaalada Dhuusaamreeb, si uu u...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo garoonka Aadan Cadde ka sagootiyay dhiggiisa dalka Jabuuti

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo garoonka Aadan Cadde ka sagootiyay dhiggiisa dalka Jabuuti

August 31, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa ka sagootiyay...

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo digniin kasoo saaray dadka aflagaadada iyo sumcad dilka ku sameeya baraha bulshada

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo digniin kasoo saaray dadka aflagaadada iyo sumcad dilka ku sameeya baraha bulshada

August 31, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxa uu gacanta ku hayaa Gal-dacwadeedyo la xiriira Cayda ama Aflagaadada, Sumcad-dilka,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In