Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi Cali Xirsi Timacadde iyo Wasiirka Tamarta Iyo Kheyraadka Biyaha XFS Cabdullaahi Bidhaan Warsame ayaa si wadajir ah kulan ula qaatay mid ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed ee daga SSC.
Kulanka ayaa looga hadlay howlaha Dhameystirka Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo, muhiimadda Nabadda, Wadajirka iyo Ilaalinta Midnimada.