Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wakiillo ka socda Qaramada Midoobey oo la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
6 months ago
in Wararka
0
Wakiillo ka socda Qaramada Midoobey oo la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wakiillo ka socda Qaramada Midoobay ayaa magaalada Muqdisho ku yeeshay kulanka sanadlaha ah ee Guddiga Sare ee Hogaaminta Wadajirka ah (JSC), si dib loogu eego hirgelinta Qorshaha Iskaashiga Qaramada Midoobay (2021–2025), looguna gogol xaaro iskaashiga sanadaha xiga.

Kulanka oo ay soo qabanqaabisay Waaxda Isku-duwidda Deeqaha ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa waxaa si rasmi ah u furay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, Mudane Saalax Axmed Jaamac, iyadoo si wadajir ah ay u shir-guddoomiyeen Wasiirka Qorsheynta Qaranka, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene) iyo Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay, George Conway.

Related posts

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Kismaayo

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Kismaayo

January 12, 2026
Odayaasha Dhaqanka oo Muqdisho ku qabtay Dibadbxa ay kaga soo horjeedaan Xadgudubka Israa’iil

Odayaasha Dhaqanka oo Muqdisho ku qabtay Dibadbxa ay kaga soo horjeedaan Xadgudubka Israa’iil

January 12, 2026

Kulanka waxaa lagu falanqeeyay natiijooyinka la gaaray barnaamijyada Qaramada Midoobay sannadkii 2024, qorshaha mudnaanta leh ee 2025, iyo talooyinka qiimeynta Qorshaha Iskaashiga. Waxaa sidoo kale si qoto dheer looga dooday jihada Qorshaha cusub ee 2026-2030, oo ay ka mid yihiin maamul wanaag, horumar dhaqaale, adeegyada bulshada, iyo u-adkeysiga cimilada.

Kulanku wuxuu kusoo dhammaaday is-afgarad lagu meel mariyay tallaabooyin lagu hormarinayo sanadka 2025 iyo ballanqaad ah in dib la isugu yimaado dhammaadka sanadka si loo qiimeeyo horumarka iyo wada-jirka istiraatiijiyadeed ee mustaqbalka.

Previous Post

Duqa Muqdisho oo la kulmay Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

Next Post

Dowladda Soomaaliya oo puntland ugu baaqday in ay joojiso colaadda ka taagan Dhahar

Next Post
Dowladda Soomaaliya oo puntland ugu baaqday in ay joojiso colaadda ka taagan Dhahar

Dowladda Soomaaliya oo puntland ugu baaqday in ay joojiso colaadda ka taagan Dhahar

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Kismaayo

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Kismaayo

January 12, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, si...

Odayaasha Dhaqanka oo Muqdisho ku qabtay Dibadbxa ay kaga soo horjeedaan Xadgudubka Israa’iil

Odayaasha Dhaqanka oo Muqdisho ku qabtay Dibadbxa ay kaga soo horjeedaan Xadgudubka Israa’iil

January 12, 2026
0

Bannaanbax ballaaran oo looga soo horjeeday faragelinta iyo xadgudubka YH-da Israa’iil ay kula kacday midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Aboorey 

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay Keydkii biyaha ee khawaarijtii …..

January 12, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay Keydkii biyaha ay dhigan jireen khawaarijtii laga xoreeyey deegaanka Jilib marka ee...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In