Thursday, June 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Faransiiska oo ku dhawaaqay inuu aqoonsan doono dowladnimada Falastiin

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
11 months ago
in Wararka
0
Faransiiska oo ku dhawaaqay inuu aqoonsan doono dowladnimada Falastiin
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ka dhawaajiyay, in dowladdiisa ay dhawaan aqoonsan doono dowladnimada Falastiin, taas oo uu horgayn doono fadhiga ugu soo horreeya ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. War qoraal ah oo uu kusoo daabacay madaxweyne Macron bartiisa bulsho ee X, ayaa uu ku shaaciyay arrintan, isagoo sidoo kalena ku baaqay in la sameeyo xabbad joojin degd-deg ah.

“Baahida degdega ah ee maanta waa in dagaalka Gaza la soo afjaro oo dadka rayidka ah la badbaadiyo, nabad waa suurtagal, waxaan u baahannahay xabbad joojin degdeg ah, iyo in la sii daayo dhammaan la haystayaasha, iyo gargaar bini’aadannimo oo ballaaran oo la gaarsiiyo dadka Gaza”, ayaa uu yiri madaxweyne Macron.

Related posts

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

June 18, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

June 17, 2026

Shirweynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ka dhacaya magaalada New York ee dalka Mareykanka bisha September ee sanadkan 2025, haddii uu ka dhabeeyo Macron hadalkiisan, waxa uu dalka Faransiisku noqon doonaa, dalkii ugu horreeyay ee ka tirsan dalalka ku bahoobay G7, ee aqoonsada dowladda Falastiin.

Previous Post

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo ka wadahadlay maalgashiga iyo tamarta Cagaaran

Next Post

Diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo si habsami leh uga socota gobolada dalka

Next Post
Diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo si habsami leh uga socota gobolada dalka

Diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo si habsami leh uga socota gobolada dalka

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

June 18, 2026
0

Xoghaynta Ururka Goboleedka IGAD ayaa adkeysay sida ay uga go’an tahay ilaalinta madaxbannaanida, midnimada, wadajirka dhuleed, iyo madax bannaanida siyaasadeed...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

June 17, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay fanaanka Saalax Sanaag, Abwaan Cabdiraxmaan...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka jeediyey Shirka OOC11

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka jeediyey Shirka OOC11

June 17, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta khudbad ka jeediyay Shirweynaha 11-aad ee Our Ocean...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ee Afrika

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ee Afrika

June 17, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In