Monday, August 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgallo qorsheysan ka fuliyay Durduro

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgallo qorsheysan ka fuliyay Durduro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidanka Kumaandooska Danab ee CXD ayaa howlgal gaar ah oo qorsheysan ka fuliyay deegaanka Durduro ee gobolka Baay, halkaas oo lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta, laguna magacaabi jiray Axmed Maxamed (Mascuud). Horjoogahan ayaa u qaabilsanaa kooxda samaynta iyo aasidda miinooyinka lagu waxyeeleeyo shacabka Soomaaliyeed. Ilaaladiisii ayaa sidoo kale lagu khaarijiyay howlgalkaas.

Ciidanka Danab ayaa sidoo kale howlgal kale oo amni xaqiijin ah ka sameeyay deegaanka Leego ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo lagu burburiyay fariisimo Khawaarijtu ku dhuumaaleysanayeen. Baaritaanno amni ayaa si joogto ah uga socda deegaanka si loo xaqiijiyo xasilloonida tuulooyinka ku teedsan.

Related posts

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tababar u soo xiray saraakiil ka tirsan XDS

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tababar u soo xiray saraakiil ka tirsan XDS

August 24, 2026
HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO DAAHFURAY SHIRKA HORUMARINTA WAXBARASHADA KOONFUR GALBEED

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO DAAHFURAY SHIRKA HORUMARINTA WAXBARASHADA KOONFUR GALBEED

August 24, 2026

Dhanka kale, Subaxnimadii hore ee maanta, maleeeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab ayaa weerar qaraxyo wata ku qaaday ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ee degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Ciidanka Xoogga Dalka, kuwa NISA iyo ciidamada deegaanka ee Macaawisleyda ayaa Kooxaha Khawaarijta ee weerarkaas gardarrada ah soo qaaday dagaal culus oo saacado qaatay la galay, ayadoo Intii uu socday dagaalkaas, jab xooggan la gaarsiiyey maleeshiyaadkii argagixisada ahaa ee kusoo duulay magaalada, waxaana lagu gaarsiiyay khasaare baaxad leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha deegaanka oo haatan ku sugan duleedka Maxaas, ayaa wada abaabul ballaaran oo dib loogu xaqiijinayo nabadgelyada degmada iyo deegaannada ku hareeraysan.

Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanku waxay sii wadi doonaan dagaalka ay kaga horjeedaan Kooxaha argagixisada, waxayna dhiigga u bixinayaan difaaca diinta, dadka iyo dalka.

Previous Post

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo xafiiskeeda ku qaabishay wafdi ka socda UN-WOMAN

Next Post

Ciidanka Booliska oo gacanta ku dhigay eedeysanaal fal dambi ah galay

Next Post
Ciidanka Booliska oo gacanta ku dhigay eedeysanaal fal dambi ah galay

Ciidanka Booliska oo gacanta ku dhigay eedeysanaal fal dambi ah galay

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tababar u soo xiray saraakiil ka tirsan XDS

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tababar u soo xiray saraakiil ka tirsan XDS

August 24, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed, ayaa Muqdisho tababar ugu soo xiray saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO DAAHFURAY SHIRKA HORUMARINTA WAXBARASHADA KOONFUR GALBEED

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO DAAHFURAY SHIRKA HORUMARINTA WAXBARASHADA KOONFUR GALBEED

August 24, 2026
0

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa si rasmi ah u daahfuray Shirka Horumarinta Waxbarashada Koonfur...

Hay’adda Qaxootiga oo la wareegtay daawo loogu talagalay dadka dalka kusoo laabanaya

Hay’adda Qaxootiga oo la wareegtay daawo loogu talagalay dadka dalka kusoo laabanaya

August 24, 2026
0

Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka ayaa la wareegtay daawo iyo agab caafimaad oo loogu talagalay dadka Soomaaliyeed ee dalka kusoo...

Guddoomiyaha SoDMA oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka cusub ee UNDP Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka cusub ee UNDP Soomaaliya

August 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka cusub ee UNDP Soomaaliya,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In