Saturday, May 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo qaabilay Lataliyaha Safaaradda Mareykanka ee La-dagaalanka Argagixisada

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 months ago
in Wararka
0
Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo qaabilay Lataliyaha Safaaradda Mareykanka ee La-dagaalanka Argagixisada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ahna ku-simaha Wasiirka, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabilay Lataliyaha La-dagaalanka Argagixisada ee Safaaradda Mareykanka, Bob Flannery.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada wacyigelinta iyo warbaahinta ee la-dagaalanka argagixisada, iyo sidii sare loogu qaadi lahaa kaalinta warbaahinta dowladda iyo tan gaarka loo leeyahay ee ku aaddan ciribtirka xagjirnimada.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Madaxweynaha JFS oo Golaha Mustaqbalka ku casuumay kulan wadatashi ah

May 2, 2026
Ku-simaha Wasiirka Shaqada XFS oo ka qeybgashay Xuska Maalinta Shaqaalaha

Ku-simaha Wasiirka Shaqada XFS oo ka qeybgashay Xuska Maalinta Shaqaalaha

May 2, 2026

Waxaa kulanka goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka kala socday labada dhinac, oo ay ka mid yihiin Agaasimayaasha Waaxyaha Istiraatiijiyadda Warbaahinta, Raadiyaha iyo Telefishinka Qaranka.

Kulanka kadib, Wasiir Al-Cadaala iyo Bob Flannery ayaa booqday xarumaha Raadiyaha iyo Telefishinka Qaranka iyo Kaydka Taariikhiga ah ee Radio Muqdisho, halkaas oo ay ku soo arkeen shaqada ay warbaahinta dowladda ka waddo la-dagaalanka argagixisada.

Wasiir Al-Cadaala ayaa uga mahadceliyey dowladda Mareykanka taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, warbaahinta, iyo dagaalka ka dhanka ah afkaaraha xagjirka ah. Wuxuu si gaar ah u adkeeyey muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah loo wajaho la-dagaalanka khawaarijta, iyadoo la xoojinayo doorka warbaahinta iyo wacyigelinta dadweynaha.

Dhankiisa, Lataliye Bob Flannery ayaa sheegay in Mareykanku diyaar u yahay inuu sii xoojiyo iskaashiga kala dhexeeya dowladda Soomaaliya, si gaar ahna uga taageero dadaallada la xiriira la-dagaalanka argagixisada iyo ka hortagga fikirka xagjirka ah.

Previous Post

Wasiirka Beeraha XFS oo oo kulan la qaatay Xoghayaha Fulinta ee Urur Goboleedka IGAD

Next Post

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qaybgalay heshiis Iskaashi oo u dhaxeeya Hormuud Telecom iyo Save the Children

Next Post
Guddoomiyaha SoDMA oo ka qaybgalay heshiis Iskaashi oo u dhaxeeya Hormuud Telecom iyo Save the Children

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qaybgalay heshiis Iskaashi oo u dhaxeeya Hormuud Telecom iyo Save the Children

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Madaxweynaha JFS oo Golaha Mustaqbalka ku casuumay kulan wadatashi ah

May 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud isaga oo ka duulaya kulamadii iyo wada-tashiyadii gaarka ahaa ee uu muddooyinkii...

Ku-simaha Wasiirka Shaqada XFS oo ka qeybgashay Xuska Maalinta Shaqaalaha

Ku-simaha Wasiirka Shaqada XFS oo ka qeybgashay Xuska Maalinta Shaqaalaha

May 2, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, ahna Wasiir ku xigeenka wasaaradda, Xildhibaan Aamina Xuseen Cali ayaa maanta magaalada...

Munaasabad lagu xusayay 1-da May oo lagu qabtay Muqdisho

Munaasabad lagu xusayay 1-da May oo lagu qabtay Muqdisho

May 2, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabatay munaasabad si heer sare...

Dowladda Soomaaliya oo ammar ku bixisay in laga guuro dhulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Dowladda Soomaaliya oo ammar ku bixisay in laga guuro dhulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

May 2, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa si faahfaahsan u sheegay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In