Wednesday, July 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qaybgalay heshiis Iskaashi oo u dhaxeeya Hormuud Telecom iyo Save the Children

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
12 months ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha SoDMA oo ka qaybgalay heshiis Iskaashi oo u dhaxeeya Hormuud Telecom iyo Save the Children
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacday munaasabad rasmi ah oo lagu saxiixay heshiis iskaashi oo muhiim ah, kaas oo u dhexeeya shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud Telecom iyo hay’adda caalamiga ah ee Save the Children, ujeeddadiisuna tahay horumarinta adeegyada bini’aadantinimo iyo isgaarsiinta ee la gaarsiinayo carruurta Soomaaliyeed.

Munaasabadda waxaa si rasmi ah uga qeyb galay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), waxaana kale oo kasoo qeyb galay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Labaad ee dalka, wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka, iyo mas’uuliyiin kale oo heer qaran ah.

Related posts

Wasiir Fiqi” Waxaa jira mas’uuliyiin magac dilka dalka, Dowlado shisheeye lacago uga soo qaatay”,

Dowladda oo faahfaahin ka bixisay duqeymo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Khawaariijta

July 29, 2026
Taliyaha Ciidanka Xoogga Oo Shir Muhiim Ah Uga Qeybgalay Dalka Uganda

Taliyaha Ciidanka Xoogga Oo Shir Muhiim Ah Uga Qeybgalay Dalka Uganda

July 29, 2026

Heshiiskan ayaa diiradda saaraya sidii carruurta Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen adeegyo isgaarsiineed oo casri ah, gaar ahaan telefoonada smart-ka, si ay uga faa’iideystaan dhowr adeeg oo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin,Dhegeysiga wacyigelinta xaaladaha degdegga ah (Emergency Alerts) si ay uga war hayaan masiibooyinka, colaadaha iyo khataraha kale ee soo wajaha bulshada, Helitaanka kaalmooyinka bini’aadantinimo: iyadoo loo marayo nidaamyo dijitaal ah oo fududeynaya gaarsiinta taageerada, Waxbarashada online-ka ah: taas oo si gaar ah muhiim ugu ah carruurta ku nool meelaha ay adag tahay in waxbarasho rasmi ah lagu helo, Shaqo abuur dhalinyarada Soomaaliyeed: iyadoo Hormuud Telecom ay qorsheyneyso in fursado shaqo la siiyo dhalinyarada, gaar ahaan kuwa bartay ama xirfad u leh dhanka tignoolajiyada, Heshiiska waxaa si buuxda loogu saleeyay barnaamijka horumarinta qaranka ee National Transformation Plan (NTP) ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo dhiirrigelinaya adeegyo la tayeysan, ku saleysan tignoolajiyad iyo iskaashi dhex mara dowladda, hay’adaha caalamiga ah, iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, oo goobta ka hadlay, ayaa si weyn u bogaadiyay heshiiskan, isagoo tilmaamay in uu yahay tallaabo muhiim u ah horumarinta fursadaha carruurta iyo dhalinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa wajahaya duruufo adag. Wuxuu xusay in heshiiskan uu yahay tusaale wanaagsan oo muujinaya sida loo mideyn karo hal-abuurka ganacsiga iyo howlgalka samafalka si loo gaarsiiyo adeegyo nolosha badbaadin kara.

 

Previous Post

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo qaabilay Lataliyaha Safaaradda Mareykanka ee La-dagaalanka Argagixisada

Next Post

Guddoomiyaha Hay’adda Socdaalka oo gaaray Jarmalka

Next Post
Guddoomiyaha Hay’adda Socdaalka oo gaaray Jarmalka

Guddoomiyaha Hay’adda Socdaalka oo gaaray Jarmalka

Wasiir Fiqi” Waxaa jira mas’uuliyiin magac dilka dalka, Dowlado shisheeye lacago uga soo qaatay”,

Dowladda oo faahfaahin ka bixisay duqeymo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Khawaariijta

July 29, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Gaalkacyo, ayaa shaaciyay in howlgal duqeyn ah...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Oo Shir Muhiim Ah Uga Qeybgalay Dalka Uganda

Taliyaha Ciidanka Xoogga Oo Shir Muhiim Ah Uga Qeybgalay Dalka Uganda

July 29, 2026
0

Waxaa maanta magaalada Kampala si rasmi ah uga furmay shirka taliyeyaasha ciidamada dalalka ciidamada ku deeqay Hawlgalka Midowga Afrika ee...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Federal Republic of Somalia Condemns the Desecration of Al-Aqsa Mosque

July 29, 2026
0

The Federal Republic of Somalia condemns in the strongest possible terms the storming of Al-Aqsa Mosque by an Israeli official...

Wasiirka  Arrimaha Dibadda XFS oo Kulan La Qaatay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Kulan La Qaatay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika

July 29, 2026
0

Intii uu socday Kalfadhiga 49-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In