Thursday, July 31, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qaybgalay heshiis Iskaashi oo u dhaxeeya Hormuud Telecom iyo Save the Children

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
July 29, 2025
in Wararka
0
Guddoomiyaha SoDMA oo ka qaybgalay heshiis Iskaashi oo u dhaxeeya Hormuud Telecom iyo Save the Children
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacday munaasabad rasmi ah oo lagu saxiixay heshiis iskaashi oo muhiim ah, kaas oo u dhexeeya shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud Telecom iyo hay’adda caalamiga ah ee Save the Children, ujeeddadiisuna tahay horumarinta adeegyada bini’aadantinimo iyo isgaarsiinta ee la gaarsiinayo carruurta Soomaaliyeed.

Munaasabadda waxaa si rasmi ah uga qeyb galay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), waxaana kale oo kasoo qeyb galay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Labaad ee dalka, wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka, iyo mas’uuliyiin kale oo heer qaran ah.

Related posts

Shirkii ka socday Laascaanood oo lagu ansixiyay magaca maamulka cusub

Shirkii ka socday Laascaanood oo lagu ansixiyay magaca maamulka cusub

July 30, 2025
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay Madaxweynaha Djibouti

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay Madaxweynaha Djibouti

July 30, 2025

Heshiiskan ayaa diiradda saaraya sidii carruurta Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen adeegyo isgaarsiineed oo casri ah, gaar ahaan telefoonada smart-ka, si ay uga faa’iideystaan dhowr adeeg oo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin,Dhegeysiga wacyigelinta xaaladaha degdegga ah (Emergency Alerts) si ay uga war hayaan masiibooyinka, colaadaha iyo khataraha kale ee soo wajaha bulshada, Helitaanka kaalmooyinka bini’aadantinimo: iyadoo loo marayo nidaamyo dijitaal ah oo fududeynaya gaarsiinta taageerada, Waxbarashada online-ka ah: taas oo si gaar ah muhiim ugu ah carruurta ku nool meelaha ay adag tahay in waxbarasho rasmi ah lagu helo, Shaqo abuur dhalinyarada Soomaaliyeed: iyadoo Hormuud Telecom ay qorsheyneyso in fursado shaqo la siiyo dhalinyarada, gaar ahaan kuwa bartay ama xirfad u leh dhanka tignoolajiyada, Heshiiska waxaa si buuxda loogu saleeyay barnaamijka horumarinta qaranka ee National Transformation Plan (NTP) ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo dhiirrigelinaya adeegyo la tayeysan, ku saleysan tignoolajiyad iyo iskaashi dhex mara dowladda, hay’adaha caalamiga ah, iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, oo goobta ka hadlay, ayaa si weyn u bogaadiyay heshiiskan, isagoo tilmaamay in uu yahay tallaabo muhiim u ah horumarinta fursadaha carruurta iyo dhalinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa wajahaya duruufo adag. Wuxuu xusay in heshiiskan uu yahay tusaale wanaagsan oo muujinaya sida loo mideyn karo hal-abuurka ganacsiga iyo howlgalka samafalka si loo gaarsiiyo adeegyo nolosha badbaadin kara.

 

Previous Post

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo qaabilay Lataliyaha Safaaradda Mareykanka ee La-dagaalanka Argagixisada

Next Post

Guddoomiyaha Hay’adda Socdaalka oo gaaray Jarmalka

Next Post
Guddoomiyaha Hay’adda Socdaalka oo gaaray Jarmalka

Guddoomiyaha Hay’adda Socdaalka oo gaaray Jarmalka

Shirkii ka socday Laascaanood oo lagu ansixiyay magaca maamulka cusub

Shirkii ka socday Laascaanood oo lagu ansixiyay magaca maamulka cusub

July 30, 2025
0

Shirweynihii maalmahaan ka socday magaalada Laascaanood ayaa caawa lagu ansixiyey in magaca maamulka cusub ee gobollada Sool iyo Sanaag laga...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay Madaxweynaha Djibouti

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay Madaxweynaha Djibouti

July 30, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Jabuuti, ayaa maanta la kulmay Madaxweynaha...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

July 30, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga...

Soomaaliya iyo Jabuuti oo heshiis dhanka Ciidamada ah wada saxiixday

Soomaaliya iyo Jabuuti oo heshiis dhanka Ciidamada ah wada saxiixday

July 30, 2025
0

Saxiixa Heshiiska Xaaladda Ciidamada (SoFA) ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Iyadoo la xoojinayo xiriirka laba geesoodka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In