Sunday, August 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Dekedda Muqdisho ku soo dhaweeyay Safiirka Dowladda UK

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
August 7, 2025
in Wararka
0
Wasiirka Maaliyadda XFS oo Dekedda Muqdisho ku soo dhaweeyay Safiirka Dowladda UK
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud ee Dakhliga, Maamulaha Dekedda Muqdisho iyo Agaasimaha furdooyinka, ayaa maanta xarunta dekedda ku soo dhaweeyay Safiirka Dowladda UK ee Soomaaliya, Mr. Charles King iyo koox ka socotay Xafiiska horumarinta dowladda UK.

Kormeerka Safiirka UK ee Soomaaliya ayaa salka ku haya u kuurgelidda hannaanka casriyeynta dakhliga gudaha, iyadoo Dowladda UK ay gacan ka geysatay dhisidda habka wada-shaqeynta Dowladda iyo Cashuur-bixiyaha ee loo yaqaan SOMCAS (Sistamka Casriga ah ee furdooyinka). Waa hannaan online ah oo ay si wadajir ah uga shaqeeyaan Maamulka qeybta Maaliyadda ee Dekedda iyo Ganacsatada Soomaaliyeed.

Related posts

Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad Khawaarijta ka tirsanaa oo lagu soo qabtay dagaalkii Bariire

Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad Khawaarijta ka tirsanaa oo lagu soo qabtay dagaalkii Bariire

August 10, 2025

Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigtay hubkii ugu badnaa ee Khawaarijta looga furtay dagaalkii Bariire

August 10, 2025

Safiir Charles King ayaa kormeerka kadib sheegay in Dowladda UK ay sii wadi doonto wada-shaqeynta ay la leedahay Dowladda Soomaaliya, iyo ka qayb qaadashada qorsheyaasha horumarineed ee la xiriira sare u qaadista dakhliga gudaha.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa uga mahadceliyay Dowladda UK taageeradeeda joogta ah ee ay siiso Dowladda Soomaaliya, waxaa uu intaa ku daray hannaanka casriyaynta ilaha dakhliga in uu mudnaan gaar ah u lee yahay Wasaaradda Maaliyadda, si sare loogu qaado dakhli uruurinta dalka.

Previous Post

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo daah furay ololaha Nadaafadda caasimadda 

Next Post

Howlgal qorsheysan oo laga fuliyay Deegaanka Bariire

Next Post
Howlgal qorsheysan oo laga fuliyay Deegaanka Bariire

Howlgal qorsheysan oo laga fuliyay Deegaanka Bariire

Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad Khawaarijta ka tirsanaa oo lagu soo qabtay dagaalkii Bariire

Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad Khawaarijta ka tirsanaa oo lagu soo qabtay dagaalkii Bariire

August 10, 2025
0

Weriye Zakariye Qaasim Bagax oo ku sugan Bariire ayaa la kulmay labo ka mid ah maxaabiista dagaalka ee Khawaarijta looga...

Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigtay hubkii ugu badnaa ee Khawaarijta looga furtay dagaalkii Bariire

August 10, 2025
0

Dowladda Soomaaliya ayaa waxay ay warbaahinta la wadaagtay, hubkii ugu badnaa ee Khawaarijta looga furtay, hawlgalkii gobolka Shabeellada Hoose ee...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray dalka Algeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray dalka Algeria

August 10, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, oo ay wehliyaan wufuud sare...

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka oo kormeeray deegaanka Bariire

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka oo kormeeray deegaanka Bariire

August 9, 2025
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay deegaanka istiraatiijiga ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In