Sunday, August 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka oo kormeeray deegaanka Bariire

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
August 9, 2025
in Wararka
0
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka oo kormeeray deegaanka Bariire
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay deegaanka istiraatiijiga ah ee Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasi oo Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibadooda Ciidamada Uganda ee UPDF ay ka xoreeyeen maleeshiyaadka Khawaarijta, kuna dhigeen casharro lama ilaawaan ah.

Intii uu socday kormeerka, Jeneraal Sahal ayaa booqday gododkii iyo xarumihii maleeshiyaadka Khawaarijta laga saaray, halkaas oo lagu arkayay meydad badan oo cadawga ah, hub farabadan iyo saanado kale oo ciidan oo ay ka carareen.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Agaasimaha Xafiiska UNSOS ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Agaasimaha Xafiiska UNSOS ee Soomaaliya

August 10, 2025
Tababarka Anshaxa Warbaahinta ee Tabinta Doorashooyinka oo la soo gabagabeeyay

Tababarka Anshaxa Warbaahinta ee Tabinta Doorashooyinka oo la soo gabagabeeyay

August 10, 2025

Taliyaha Guutada 17-aad ee Kumaandooska Xoogga Dalka, Gaashaanle Cali Cageey, ayaa taliyaha ugu warbixiyay xaaladda amniga iyo sida ay ciidanku u xaqiijiyeen xasilloonida deegaanka.

Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa bogaadiyay geesinimada iyo howlkarnimada Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibadooda UPDF ee qeybta ka ahaa howlgalka, isaga oo ku dhiirrigeliyay inay sii laba-laabaan dadaallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ee dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed.

Previous Post

Aqoon Isweydaarsi ku saabsan Tabinta Doorashooyinka oo ka furmay Baydhabo

Next Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray dalka Algeria

Next Post
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray dalka Algeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray dalka Algeria

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Agaasimaha Xafiiska UNSOS ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Agaasimaha Xafiiska UNSOS ee Soomaaliya

August 10, 2025
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Marwo Qurat-ul-Ain Sadozai, Agaasimaha Taageerada Hawlgalka ee Xafiiska...

Tababarka Anshaxa Warbaahinta ee Tabinta Doorashooyinka oo la soo gabagabeeyay

Tababarka Anshaxa Warbaahinta ee Tabinta Doorashooyinka oo la soo gabagabeeyay

August 10, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Maxamed Ibraahim Bilaal, ayaa maanta soo xiray aqoon isweydaarsi aba maalmood socday ee...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Aljeeriya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Aljeeriya

August 10, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Wasiir Cabdisalaam Cabdi Cali , ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay...

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Safiirka Mareykanka

Mareykanka oo Soomaaliya kala shaqeynayo sugidda Ammaanka Xuduudaha

August 10, 2025
0

War- qoraal ah oo ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in Dowladda Mareykanku ay Soomaaliya kala...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In