RADIO MUQDISHO: Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda, Mudane Cumar Cali Cabdi, ayaa maanta kulan kula yeeshay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Guddoomiyaha Guddiga Difaaca iyo Amniga Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Senetor Aadan Cabdinaasir Maxamed.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta dhow ee ka dhaxeysa Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Guddiga Difaaca iyo Amniga ee Aqalka Sare, gaar ahaan korjoogtaynta iyo horumarinta howlaha amniga iyo difaaca qaranka, iyo sidoo kale dardargelinta howlgalada socda ee lagu xoreynayo deegaannada ay kooxaha argagixisadu ku dhuumaaleysanayaan.